'' La soco , Geo-politics mistake ''.

0
Monday October 12, 2020 - 08:51:15 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1197
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    '' La soco , Geo-politics mistake ''.

    ..Armaaniya waxey saaxiib dhaw iyo xulifaba la noqotey Ruushka...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..Armaaniya waxey saaxiib dhaw iyo xulifaba la noqotey Ruushka...


Armaniya iyo Azerbajan waa laba wadan oo jaar ah muddo dheerna colaaddo u dhaxeeyeen , colaadahaas oo salka ku hayay Diin , Isir iyo dhul is huwan , maxaa yeeley Gobolka ay isku hayaan ee Nogorno Karabakh , waxaa lagga safeeyey Islaamka qarnigii 18aad , waagaas oo Armeeniyiinta oo taageero ka helaysa Boqortooyaddii Ruushku la wareegeen , mar kale qarnigii 19aadDawladii cismaaaniyiinta oo ay la socdaa Azerbajaaniyiitu ayaa dhulkii la wareegey , mar kale ayaa hadana Armaaniyiinta oo Ruushka wataa kusoo noqdeen markii ay dhacdey dawladii cismaaniyiintu .



Dagaal waynihii 2aad ee Aduunku markuu dhamaadey , Azerbajan iyo Armeeniyanaba waxaa xoog kula wareegey midowgii soofiyeeti waxaaney noqdeen laba jamhuuriyadood oo Itaxaadkii soofiyeeti ku wada jirra , hassa yeeshee Gobolkii Nogorno karabakh waxaa la raaciyey jamuuriyadda Azerbajan , hassa yeeshe gobolkaa waxaa ku batay oo maamulkiisa gacanta ku hayay Armaaniyiinta .


Markii uu kala daatey midowgii soofiyeeti ee 15 Jamuuriyadood ee uu ka koobnaa mid waliba gaar keeda isu taagtay , labadan jamuuriyood waxay isku qabteen gobolkii Nogorno karabakh ee ay waligood isku hayeen , qalalaase soo taxnaa ilaa 1989 ilaaa 1994 waxaa lagu kala hagaagay 1994 markii Armaaniya oo Ruushku caawinayaa la wareegtey guud ahaan Gobolkii Nogorno karabakh .


Armaaniya waxey saaxiib dhaw iyo xulifaba la noqotey Ruushka , heshiis gashaan-dhigeed bay la yeelatay , saldhigyo waawayna way siisey , halka Azerbajan la saaxiibtey Turkigga iyo Isreal .


2018 ayaa xukuumadda Armeeniya u janjeedhsatey xagaa iyo reer galbeedka , Ruushkiina way kasii jeesatay , Ruushka oo baryahan dambe saaxda aduunka kusoo noqdeyna waa ka xumadey .


Markii Ruush iyo Armaaniya kala aamin baxeen ayaa Azerbajan oo ku daaban Turkey iyo Isreal hujuun balaadhan kusoo qaadey , dagaalki markuu kululaaday , Azerbajan waxaa is barbar taagey Turkigga iyo Isreal laakiin Armeeniya cid taageerta way wayday .


Ugu dambayn , Armeniya waxay garowsatey in ay samaysay qalad Juqraafi-siyaasadeed ( Geo-politics mistake ) maxaa yeeley dawladihii waawaynaa ee Gobolka ayay ka wayday mid qudha oo u hiilisa , reer galbeedkii ay isku halaynaysayna waxay noqdeen kuwo aan gobolkan saamayn ku lahayn .


Si kastaba ha ahaatee , dawladaha yaryari waxay ku badbaadi karaan in ay ka taxadiraan Siyaasad-juqraafiyeedka , mar walbana ay samaystaan xulifo la isku halayn karro oo ah dawladaha waawayn ee heer gobol iyo heer caalamiba ,


W/Q: Ahmed Nour Guruje

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...