'' La soco aduunka , Talibaan oo u ducaysay Trump ''.

0
Monday October 12, 2020 - 08:47:05 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 929
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    '' La soco aduunka , Talibaan oo u ducaysay Trump ''.

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje

Afhayeen magaciisa u hadlay Ururka Taliban oo magaciisa la yidhaahdo Zabihulah Mujaahid oo u waramey Telefishanka CBS ayaa yidhi '' Waxaanu rajaynaynaa in Trump mar kale guulaysto oo uu ciidmadiisa kala baxo Afganistan ''



Sidoo kale ururku wuxuu ka hadlay caafimaadka Trump , Afhayeen Zabihulah oo ka hadlay caafimaadka Trump wuxuu yidhi '' markaanu maqalay in uu ku dhacey xanuunka Carrona-virus waanu ka walaacney caafimaadkiisa , laakiin imika wuxuu u muuqdaa in uu kasoo reeyey .


Dhinaca kale , Afhayeen u hadlay kooxda dhinaca ololaha u qaabilsan madaxwayne Trump oo magaciisa la yidhaahdo Tim Murtua ayaa ka jawaabey taageeradda Taliban u muujisay Trump waxaanu yidhi '' Taliban waxay ogtahay in Trump xaqiijinayo danaha maraykana qiime kasta oo ay ku kacayso ''  .


Markii Trump xukunka qabsadey 2016  waxaa joogey Afganistan ciidamo faro badan , dagaalo culays wayn ku haya Maraykankuna way ka socdeen , hassa yeeshee Trump wuxuu la heshiiyey Taliban , ciidamadiina wusoo celiyey , wuxuuna ku reebey 10 kun oo keliya , Tobankii hadana 5 kun buu soo saarey , intii hadhayna wuxuu yidhi maalin dhawayd ciida kiristaanka ( 25-december) 2020 , Askari waliba waa in uu gurigiisii jooga , marka lagga reebo waxoogay tababarayaala oo dawladda Afganistan caawinaya .


Dhinaca kale , La taliyaha madaxwaynaha dhinaca amniga ee madaxwayne Trump , O brien ayaa isna ku raacay mawqifka ay istaageen labadda afhyeen ee Trump iyo Taliban waxaanu yidhi '' waxaanu u baahanahay in Askari kasta oo maraykani joogo ciidiisa 25-December , Dawladda Afganistana la heshiiso Taliban .


Si kastaba ha ahaatee , ciyaarta meeshan socota waxaa la dhahaa siyaasad, siyaasadina waatii is badbasha ee wejiyo badan , sidaa darteed akhriste si aad ugu xidhnaato siyaasadaha Aduunka ee xiisaha leh ku xidhnoow bogan .

 

W/Q: Ahmed Nour Guruje

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...