Hadaba Tooga Baxa Waa Janadda Talaxa-deediiye ( Abdi-Shotaly).

0
Tuesday April 23, 2019 - 14:49:58 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1257
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hadaba Tooga Baxa Waa Janadda Talaxa-deediiye ( Abdi-Shotaly).

    Waa tii diiday qaran-nimo iyo wax la wadda yeesho, cadaalad iyo maamul ummadda u dhexeeya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa tii diiday qaran-nimo iyo wax la wadda yeesho, cadaalad iyo maamul ummadda u dhexeeya , ee qabyaalad iyo is bahaysi jeegaaneed, saqdda dhexe loo guuray-naayey, hayaayey iyo wareey, ka soo kacaay, yaa reer hebelaay, bahal baa inagu soo hamaansaday ee ka ordaay, ee hantiddii ummadda lagu burburiyey been-been iyo aan keligeen raqno, maanta yaanay ina dhaafin hagbadu, oo galbeed baa leh, hadaba imika ma iska waraysa-teen, ama is waydiiseen, waxay idiin dhashay maanta, yaa denbiga leh ee aad saaraysaan? yaad uga ashtakoo-naysaan, ee idinka qabanaaya, saw adiggii salaaadda uga tegay ee siddii rabbii ku abuurtay u caabudaayey? ee uu rasuul soo daahiray kuu ahaa? Maxaa is bedelay ba;l noo sheega ha la idinka qoree. Waa fadhidaan halkii aad doonay-seene ( Kursigiiye), Maxaad hadda la cabaadaysaan? Maxaa keenay yaa naga qabta askariga? Saw idinkii noogu sheegaayey Mujaahid? Ma haduu coomaade idinku noqday? Maxaa iska kiin bedelay ee aad oohinta la qubasaan? waa nala dhacayyaa idiinku damqanaaya?,



Allay-lehe baga haday is eedaye, hays calaashato, oo wixii laga hor joogay ee la lahaa, beri baan xuduudda ka talaabay mujaahid laguma noqdo, ee kani abdo ma laha ee inaga daaya, waa tii la idinku kari waayey, ee xaal-kiinu ahaa yaa waxnaga qaadaaya'e, haday tahay oo foodda iskula jirtaane, allay-lehe baga in aad derbigga soo taabataan. oo aad aragtaan in uu wax-ba la'aan yahay, maafish ah, madhan, oo ka qalaalan hoosta, macangag aan dad ahayn, laakiin sawirka bani'aadamka leh. ee ku abshira sidaas waa la isu-kiin daynayaay, waa kii idiin rasuulkii aad daba orday-seene. oo waa tii aad isla hor yaacay-seen xaafada-yadda buu ka dhashaye. Ma beel kale buu noqday? Ma waxaad noo sheegayseen baa been ahaa? Ma wixii aad u milikhsa-nayseen baa baa la waayey? Ma rumausa-teen hadad wixii la idn lahaa kani mid maaha? Ee cid kale ma haysaan? Ma eedeen reer hebel geeir iyo magf la'aan ah? "Tunka ka leefa dhiigiyo ilmadda idnika tiixaysa, hadaba tooga baxa waa janadda talax-deediiye", Kani marka la soo koobo, wuxu leeyahay sifihii iyo murtiddii inoo qeexaysay ruuxa san-saankaas leh, taas oo ah " Meesha kama tage, Waxana kama tare", ee la jiifa walba-haarka idinka baa cagahiina ku doon-taye.


Akhristaw, waxan ku soo seeteeyey qoraalkan. Maalmahan baraha-bulshadda, war-baahinta maxaliga, ta debedaba, arimaha laga sii daynaayo Tv-yadda gaarka loo leeyahay, waad la socotaan, in Oday 90 jir ah, hadaanu kaba weynen-ba ( waa Maxamed Xasan Dalmar), beer-tiisii la iska soo dhaxlay 10 oday iyo dheeraadka, inta xoog lagaga qaaday, weliba caarkii, umulihii, caruurtii, tii uurka lahayd, waayeelkii kici kari la'aa, indhoole, curyaan, bukaan, qaar gaajo awgeed cawska ka baxa beerta cuni jirey, qaar loogu qaraamaadi jirey, mid aan wax-baba lahayn, oo loogu daweri jirey, intii dooga daadsanayd ee seexan jirtey guri la'aan awgeed iyo kaaga sii darane duuniyaddii yarayd ee ay ku dhaqan jireen, inta cagaf-cagaf la geliyey, debedda loo qubay, nin baa laga hayaa " Dameertu geela ha iga didisee, weliba way ii sii qururuf leedahaye" dan umadeed aan loo isticmaalayn, ee askariga looga samaynayaa qasriyo ka waaweyn aqalka Ingiriiska looga taliyo ee la yidhaaho "West Minister". Horaa wax ugu qaadan waydeen, markuu beertii Geed deeb leh uu ninka Hj ka qaaday, ee ceelashii biyaha ee Shiinuhu u sameeyey in hargaysa lagu waraabiyo, uu qaarna ka kireeyey warshadaha biyaha soo saara, oo ay leeyihiinqaa beeshoodda ahi, ceela uu booyadaha hargaysa waraabiya ka kireeyey, 22 gurig oo ummadu lahayd ( Hanti dad-weyne), uu qaarna isagu haystaa, qaarna uu siiyey xigta-diisa, intaaba arki weyda'e, maxaad maanta tan u aragteen? Qarandidda baa waxa la yidhi goor-maad wax garataa? Waxay ku jawaabtay " Marka tuuryo I dhaafto, mid-na agtaydda ku dhacdo, ta sadexaad-na ay igu dhacdo, baan soo han-baaburaaye, ma hadaa qaabkaas noqoteen.

* N.B Meesha Kama Tage, Waxna Kama Tare!

Qore:- Abdi-Shotaly.

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...