Xuquuqaha Ugu Mudan Ee Muwaadiniinta Jamhuuriyada Somaliland Waxa Kamid Ah Xuquuqda Siyaasadeed
W/Q: Muxamed Dhimbiil
Xisbiyada siyaasadeed ee qaranku waxa aad moodaa in ay rabaan in
siyaasadii dalka kooto loogu xidho , xisbiyada dhexdooduna kooto kale
ayey sii tahay oo aanu qofku hankiisa ka dhex xaqiijin karin , markaa
ilaa hadda maxaa loo laayahay cid difaacda xuquuqda siyaasadeed ee
muwaadiniinta aan sadexda xisbi qaran ku qancin oo dastuurka iyo
xeerarka ka farcamaa si cad u qeexeen, gaar ahaan qodobada 22naad iyo
23naad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland iyo Xeer No 14 , oo ah
xeerka ururada iyo axsaabta ?.
Maye hay'adihii ilaalinta xuquuqaha iyo dabaqida shuruucda iyo
dastuurka ku shaqo lahaa ee nidaamka dimuqaradiyadeed ee dalka iyo
hanaanka doorashooyinka ilaalin lahaa , maye wakiiladii dadweynaha ee
shacbiga jamhuuriyada Somaliland u doorteen in ay ka hadlaan
baahiyahooga iyo waxii ay xaq u leeyihiin dadkoodu ?
Dadka Somaliland kama hadlaan xiliga wax laga sii qaban karayo waxa
soo socda, 6 dii sanadood ee ugu dambeeyey ba waxa aanu ku qaylinaynay
waar nidaamka dimuqaradiyadeed ee dalka hala saxo oo doorashooyinku
xiligooda ha ku dhacaan , dhamaan madaxda iyo hogaankeena siyaasada
iyo bulshada inta u dhuun daloosha arimaha siyaasadeed ee dalku way ka
dharagsan yihiin dhibtan jirta.
Madaxwaynaha hada talada haya waxa xili doorasheedkiisa lagu soo
riixay doorashooyinkii dhici lahaa 8 sanadood ee ka horeeyey badankoodii
, waxa uu la kulmay dhib tuulan , waxa ay u eeg tahay in uu isna
Madaxwaynaha ka dambeeya isaga sii riixi doono inta ilaa hadda muuqata
marka la eego.
Axsaabta siyaasada Somaliland waxa ay ka mideysan yihiin ku dagaalanka
kaalmahooga xisbinimo, aad uma danaynayaan in ururo lagu furo, hase
yeeshee sharciga dalkuna yaanu noqon mid ay maslaxadooda iyo jacaylkooda
ku saleeyaan ee ha u tudhaan mustaqbalka dalka iyo hanaanka
dimuqaradiyadeed ee Somaliland qaadatay.
Waxa hubaal ah in dadka inta ugu badani aanay ku qanacsanayn axsaabta
siyaasada Somaliland ee maanta joogta, oo xataa dhexdoodu kootaysan
tahay oo inta ku jirtaa aanay si xor ah xuquuqdooda iyo hankooga
siyaasadeed ka dhex xaqiijin karin , dadka Somaliland na xaq ay u
leeyihiin in ururadii siyaasadeed loo furo oo ku dhaceega iyo hal
adeygeeda lala yimaado .
Dooraaho la'aanta iyo hirgalin la'aanta nidaamka iyo shuruucda
dimuqaradiyadeed ee dalku dhibaatooyinka iyo raadadka ay reebayaan waa
qaar dhamaan shacabka Somaliland saameyn ku yeelan doona oo ah
dhibaatooyin qaranka u yaalla ee aan qofna wax gaar ah yeelayn kaligii,
walow inta maanta talada haysa iyo intii shalay joogtay ay ku sawirnaan
doonaan waxii foolxumo iyo qadaf dhacay intaa ay joogeen , haddana waxa
ka weyn waxa dal ahaan iyo dad ahaan ina gaadhaya.
Hadii aad is leedahay shaqadaada yar ilaasho, dukaankaaga yar iska
hayso, bakhaarkaaga ku koobnow, hudheelka iska hayso, ganacsigaaga iyo
shirkadaadu ha kuu shaqeyso waxa aan kuu sheegayaa in aan intaa
midkoodna kuu shaqeyn doonin hadii xasilooni la’aan siyaasadeed iyo kala
shaki umadeed dhaco , markaa maanta waxa kula gudboon in aad codkaaga
kor ugu dhawaaqdo.
Shacabka jamhuuriyada Somaliland waa dad wanaagsan oo dulqaad badan oo
dalkooda, nabadgalyadooda iyo in uu ka mid noqdo dalalka aduunka ugu
horeeya raba, waxa ay ka soo niyad jabayaan marba marka ka dambaysa
doorashooyinkii dalka oo noqday ” Ku badel aan isbadel lahayn ” iyo in
kuraasida qaranka qiil loo banaysto oo cidwaliba doonto in ay inta ay
doonto ku fadhido.
Muxamed Dhimbiil
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...