Halkee Ay Ku Sal Leeyihiin Xurgufaha Iyo Xanafta Siyaasadeed Eeqoomiyadaha Ethiopia Iyo Dawladaha Federalka Dhex Taalaa ?

0
Monday October 12, 2020 - 08:32:01 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 830
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkee Ay Ku Sal Leeyihiin Xurgufaha Iyo Xanafta Siyaasadeed Eeqoomiyadaha Ethiopia Iyo Dawladaha Federalka Dhex Taalaa ?

    W/Q: Muxamed Dhimbiil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Muxamed Dhimbiil
Dalka Jamhuuriyada Federalka Ethiopia waxa taagan murug siyaasadeed oo isu badelay qaab qoomiyadeed waxaana uu si cad u soo muuqday afartii sanadood ee u dambeeyey,  oo Ethiopia gudaheega ay ka bilaabmeen kacdoono isbadel doon ahi oo qoomiyadaysani. 



Dabcan dhaqanka siyaasadeed ee dalka Ethiopia marna kama madhnayn in marba qoomiyadi wax maamusho ama talada dalka hayso,  ama boqortooyo ha ahaato,  ama nidaam ciidan Xoog ku qabsadeen ha noqoto ama nidaam taladu meel ku urursan tahay ( Autocracy  ) oo xoog badan ha noqdo e , laakiin dalkaasi waxa dhaqan u ahaa in qaranimada dalka la dhowro hadba cidii meesha timaadana loo hogaansanaado. 


Sanadkii 2018 ayuu kacdoono isbadel doon oo dalka Ethiopia ka dhacay uu ku yimid Raisal wasaare Abiy Ahmed oo haatan hogaanka u haya dalka Ethiopia,  waxa uu ahaa shaqsi siyaasada gobolka iyo ta aduunkaba wax weyni uga baxsan yihiin oo markii uu sidaa talada u qabtayba qaaday talaabooyin hor leh oo ay ugu horeysay furfurnaan siyaasadeed , mid ganacsi iyo mid gobol ba isla markaana qaatay go'aano iyo talaabooyin horumar oo aad u wanaagsan.
 

XAALADAHA HADA TAAGAN 

Dalka Ethiopia oo ay doorashooyinkiisu mudeysnaayeen bisha Aug 2020 ayaa dib loo dhigay sababo uu keenay xanuunka #Corronavirus , arinkaasi oo ay qaadaceen Gobolka waqooyiga ee qoomiyada Tigray , waxaanay qabteen doorashadii Golaha wakiilada Dadweynaha ee Gobolka Tigray , taasi oo keentay in ay dawlada federalka Ethiopia ay sheegtay in aanay aqoonsanayn.


Sidaasi oo kale maalmo kooban ka hor ayaa baarlamaanka dawlada federalka Ethiopia joojiyey gabi ahaanba wada shaqeynta maamulka sare ee Gobolka Tigray oo iyagu sheegay in aanay aqoonsanayn Raisal Abiy Ahmed ilaa uu qabto doorashooyin , waxaana ay dawlada Ethiopia isku raacday in wada shaqeynta laga jaro madaxda maamulkaasi laakiin maamulada hoose iyo adeegyada dadweynuhu sidoodii ahaadaan.


Ilaa iyo intii uu Raisal wasaaraha Ethiopia dalkaasi qabsaday sanadkii 2018 ayaa aanay isku wanaagsanayn xukuumada Abiy Ahmed iyo qoomiyada Tigray , arimahaasi waxa keenay markii saraakiil badan iyo madaxdii xukuumadii hore lagu eedeeyey tacadiyo badan,  arimo musuq-maasuq iwm oo gabi ahaanba xilalka sare ee dawlada federalka laga dhameeyey iyo waliba go’aankii uu Abiy Ahmed ka qaatay Badhame xuduudka Erateria iyo Ethiopia oo ay u arkeen in dhulkoogii ay ku dagaalamayeen mudada badan si dhib yar la isaga bixiyey.


TAARIIKHDA HORE 

Qoomiyada Tigray waa jabhadii dalka Ethiopia ka xoreysay dawladii Dhergiga,  waxaana ay la midoobeen ODP oo ah Oromo democratic Party  oo iyaguna ka soo horjeeday nidaamkaasi dhergiga , sidaasi oo kale ayaa ayey  jireen qoomiyada Ahmara oo laftoodu ka soo horjeeday Dhergigii oo sameystay xisbiga Ahmara Democratic party ADP iyo xisbiga ay lahaayeen qoomiyadaha shucuubta koonfureed   ee SEPDM iyo xisbiga Tigray TPLF ayaa sameystay isbahaysigii dalka Ethiopia ka talinayey mudada dheer ee EPRDF.


Markii uu geeriyooday Raisal wasaarihii awooda badnaa ee dalka Ethiopia Malez zenawi waxaa loo dhiibay Haeila mariam desalem oo ka soo jeeda shucuubta koonfureed iyo xisbiga SEPDM , si uu u dhameystiro mudada u hadhsanayd malez zenawi,  waxaana sii xoogesystay kacdoono ay qoomiyada Oromadu bilaabeen,  kaasi oo uu u sameeyey isku shaandhayn masuuliyiinta dawlada waxaana la magacaabay madax badan oo ka soo jeeda qoomiyada oromada si uu u damo kacdoonku.


Dedaaladaasi waxba kama tarin,  waxaana xilkii iska casilay Raisal Haielamariam Desalem sanadkii 2018 kii , waxaana Raisal wasaare loo magacaabay Abiy Ahmed Ali oo ahaa Gudoonkii Xisbiga ODP ee oromada si uu culeysku uga dago dalka doorashooyina loo qabto ,


ISBADELADA ABIY AHMED 

Abiy Ahmed oo noqday horaantiiba shaqsi ka saameyn badan oo ka gadisan waxii laga filayey oo dalka Ethiopia u raray nidaam democratic ah , la heshiiyey dalka Erateria,  mucaaridkii dalka iyo jabhadihiiba soo xareeyey , ganacsigii furfurnaan ku sameeyey si maalgashi dadwayne iyo dibadeed dalkaasi u helo, 


Dhinaca kale dedaalo badan oo uu gallay ayuu Ethiopia kaga badbaadiyey in uu dumiyo mucaarid iyo jabhado dalka dibada kaga yimaadaa,  taasi oo noqotay yididiilo iyo wanaag uu aduunka oo dhami ku soo dhaweeyey oo uu ilaa bilada nabada aduunka ku qaatey , waxaana aad moodeysay in uu laftiisa deg-deg badani ku jiray taasi oo dhalisay in dhawr goor la isku dayey inqilaab iyo in ay soo cusboonaadeen mudaharaadadii qoomiyada oromada dhawr goor.


MUSTAQBALKA DAMBE EE ETHIOPIA 

Ethiopia wali waxa ka jira kacdoono iyo guux hoose oo uu dhaliyey tabashooyin hore iyo talaabooyinka dambe ee Dr Abiy Ahmed qaaday  sidaasi oo kale ayaa dib marka loo raaco taariikhda qoomiyadaha dalkaasi wada degani nidaamka maamulka dalka ku kala aragti duwan yihiin .


Qoomiyada Ahmara waxa ay aaminsanaayeen waxa la yidhaahdo Ethiopia oo hal meel laga wada maamulo ( one central Government ) waxaana ay ka soo horjeedeen nidaamka federalka ee dalka Ethiopia uu hada ku shaqeeyo oo ay keentay xukuumadii malez zenawi ee dalkaasi mudada dheer ka talinaysay. 


Sidaasi oo kale ayaa qoomiyadaha qaar na nidaamka dawladnimoba ay ka tirsanayeen cadaalad daro iyo in aan loo sinayn,  kuwaasina waxa ugu horeeya qoomiyada Oromo oo ah hogaanka dalkaasi ka taliya ahna qoomiyada ugu badan dalkaasi oo ilaa 1975 u dagaalamayey in ay Ethiopia laga wada taliyo oo loo siman yahay la helo. 


Qoomiyada Somalida oo ah kuwa ugu balaadhan ayaa marka aad eegto xaga axsaabta iyo talada dalkaasi aan qoomiyad ahaan Xoog ku aheyn,  Isbahaysigii EPRDF na 4 ta xisbi ee isku bahaystay aan ku jirin , waxaana la filayaa in ay hadda siyaasada dalka Ethiopia si muuqata oo macno leh uga qayb qaadan doonaan maadaama mucaaridkii iyo jabhadihii 40 sano dagaalamayey la soo xereeyey oo lala heshiiyey. 


Raisal wasaare Abiy Ahmed ayaa waxa uu aasaasay xisbi la yidhaahdo xisbiga barwaaqada oo uu ugu talogalay in uu ku mideeyo qoomiyadaha dalka Ethiopia oo dhan xisbigaasi oo uu u bixiyey Ethiopian prosperity party (PP ) ayaa la filayaa in uu kaga qayb galo doorashooyinka soo socda .


Waxaana ay is khilaafeen saaxiibadiisii hormoodka ka ahaa xisbiga oromada ee ODP ee uu ka soo baxay oo noqday mucaaridka dalkaasi ugu waaweyn isaga oo qaar ka mid ah jeelasha ku gurey iyada oo lagu eedeeyey kacdoonadan qoomiyada oromada ee soo noqnoqda.


Dr Abiy Ahmed iyo xukuumadiisa ayaa waxa laga sugayaa in ay dalkaasi doorasho ka qabato bisha March ee sanadkan,  iyada oo waliba ay xidh-xidhan yihiin qaar ka mid ah mucaaridka dalka Ethiopia ugu waaweynaa oo lagu eedeeyey in ay kacdoonadan ku lug leeyihiin , markaa lama saadaalin karo in ay doorasho dhici karto iyo in kale .

 Muxamed Dhimbiil

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...