Dhalintii Tagtaye Tacab Khasaar Uun Dheh ( Abdi-Shotaly).

0
Monday October 12, 2020 - 08:28:31 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 808
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhalintii Tagtaye Tacab Khasaar Uun Dheh ( Abdi-Shotaly).

    W/Q: Abdi-shotaly

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Abdi-shotaly

Saaka waxan halkan idiiinku soo gudbinayaa Maanso gaaban, oo inoo tilmaamaysa sidda dhalintii qurbuhu ay uga tageen dhaqankii, weliba gaaloo kala xune ay u raaceen tii bidoodka madaw iyo qaabka ay u eeg-yiihiin, waa maanso ku tusaysa halkuu xaal maraayo,taas oo ubad-keenii aynaan gacan ku hayn, waxa kaloo ay kuu sheegaysaa in aan waalid.xigto,dhaqan,diin intaba ay ka sal guureen, oo ay noqdeen dacawaddii talaaba-deediina ka tagtay tii ay rabtay-na gaadhi wayday, iyo sawrika ay leeyihiin caruur-teenu marka ay gaadhaa sin-dheerta ( teen age-ka ( Waa wakhtiga ay gaadhaan 13 jir-ilaa 30 jirka'e), yaan kugu dheerayne, ku soo dhawaw, waatane.

 

Ta'da gabay-ba maandhaw ma odhan, Toosi maalma-hane,

Anigoo ka tegay bay dar kale, igu tilmaa-meene,

Cabdilaahi-yoow taadu , waa tu' an dhamaanayne,

Ku talaabsay abwaankii farxaan, ereyaddii taabudka ahaaye,

Ina Olola waa-kii tumaatida ku riday, taag yar-teeniiye (Sin-dheertii),

 

Ina muuse tartar buu ka maray, taynu haynay-ba'e,

Ina-yalas tafsiir-tuu u dhigay, waa tusaal wacane,

Hadaan talada lays-ku soo cel-celin, taab ma riix-deene,

Bal an tabto maan-tana, halkay tebayso laab-taydu,

Niman-yahaw tabaalada qurbuhu, tawsa-heed badane,

 

Way wada taraareen dhalini, oo gaalo tiig-sada'e,

Yaw-yaw maaxad tidhi, ayey  wada tiraa-baane,

Tuhun beena baa galay, in ay tahan ku dheer-yiine,

Inamaddii tidcade duul alloow, tima dabniin-kiiye,

Habli-hiina taaloo bayba goos-teeen,oo tiirshe madaxiiye,

 

Sibra-hoo la tuuriyo lugaha, turuntu-roonaaya,

Tagoog-yaha dhamaa-diyo gamcaha, wada tafee-noobay,

Waa kuwaa af-kooddii ka tegay, oo aan ta' garanayne,

Tabadh-tabadh wixii aan ahayn, kuma tusmay-saane,

Lagu tumay hiddii aan lahayn, oo tuure waa hora'e,

 

Haday-naan ka tegin meeshan, tacab go' weeyaane,

Ma tashiisho ruuxii xumaan, loo tix geli-yaaye,

Inta goori-goor tahay, tashada dhaafnay hilin-kiiye.

 Cabdilaahi-yoow tusmadu, Waa tusaal wacane,

Kuwad tiinka ( Teen agers) tidhi, baan Rabaa inan tibaa-xaaye,

 

Tola-haan ku dhaar-tahye, Wuxu-ba way tukuba-yaane,

Tafa-hay surwaalada hayaan, Tookh-na moodeene,

Dhabar-kooda tuuraa ku yaal, Taag-na waa madhane,

Tunkii wuu engegay oo, Indhuhu tiigsi weeyaane,

Tilmaan-tooda goor-taan arkiyo, Tacab khasaar-kooda,

Oo ay la wada tiica-yaan, Tamar la'aan-tooda,

 

Tala-na aan kaa qaada-nayn, Kaana tegi haynin,

Taf-siir dar aan raadi-nayn, iyo tacliin-toona,

Turuq-yadu dhamaadeen, Oo tahar la moodaayo,

Oo aan naf-tooda u tudhayn, Toobad xuma-dooda,

Oo waalid-kii dhalay tirsane,  Misa-na tawsi wada hayso,

Talaw sidee baa la odhan, Tanina waa yaabe.

 

Waxan ku soo af-gooyey, Inamaddii oo siddii hablaha timaha u dabtay, surwaal-iina ka xidha sibraha, oo aad moodayso ama socodka u waadh-waadh sanaaya siddii inan yar oo la xalaaleeyey, oo bawyaha xadhig lagaga xidhay. Sidaas xarago mooday, oo marka uu foorar-sado futadiisu  debedda taallo ood ilaa daakhilka arkayso, suxuladu soo baxeen, kuwaas oo aan tacliin iyo guur mid-na aan rabin, gaallo kala xune, ku dayday madaw kii ugu xumaa, waalid aan ka xishoon, bilaa akhlaaq noqday, misna cirkaa isla jooga. ku taamilo qaatta dalkan Boqor-tooyadda Ingiriiska Dhalintii wiilal ahayd, in ka badan 70% jeelka bay ka buuxaane, waxa aynu nahay ummadda ugu badan xabsiyadda Ingiriiska ( Dhanka da' yarta wiilasha), ee xashiid lagu wadda hayo, iyo dil, weliba iyaka baa is dila ee cid kale ma doon-taan. Habluhu kuma jiraan waxaas oo dhib ah, ee waa ka beri ama xalaal, Allaw Na bad-baadi, dad meesha kuma hayno'e.

* N.B Waa wada taraa-reen dhalini, oo gaalo tiig-sada'e!

Abdi-shotaly,

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...