Ka Boggo Xanuunka Kuduudiyaha "Chikungunya"

0
Monday October 12, 2020 - 08:13:53 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 833
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ka Boggo Xanuunka Kuduudiyaha "Chikungunya"

    fadlan lana wadaag asxaabtaada iyo umadda kaleba.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

fadlan lana wadaag asxaabtaada iyo umadda kaleba.

Wakhtiga akhriskaagu ma khasaarayo


xanuunkan oo kusoo badanaya magalaada hargeisa Maalmahan danbe!



Muxuu yahay xanuunkan?

waa xanuun uu sababo virus magiciisa la dhaho Chikungunya virus oo hoos imaada groupka alpha virus oo hoostaga ARBO virusoo sii hoos taga togo virus. marka loo abtiriyo viruskan isagga ah.


Goormuu bilaabmay xanuunkan?

xanuunkan ayaa markiisii ugu horeeyey ka bilaabmay wadanka tanzania 1950 kii halkaasuu ku dhacay qabiil halkaas degga oo la dhaho makonde oo xanuunkan magiciisaba u bixiyey xiligaas kasoo markaad baadho la macno noqonaya kuududiye luuqada makonde tripe


imissa wadan ayuu aad ugu fidday hore ?

france ----2014

india------1962-63-64 , 2007

latin------america 2015


kaasoo dadka uu ku dhacay wadamadaas uu dad badan uu ka laayay dhacay , haddii ka hortag inaggu filan aynu samayn wayno oo la dhayal saddo xanuunkan waxa uu noqon doonaa xanuun sanado badan jooga dhibaatadiisana leh.


waa imisa xaddiga dhimashada xanuunkan boqolkiiba?

Xanuunkan ayaa dila boqolkii qofba hal qof .1 in every 100 patients. si kale hadaynu u dhigno macnaheedu waa 1000 qofba toban qof ayaa dhimanaya dadka uu ku dhaco.


Sidduu ku faafaa xanuunkani?

Xanuunkani waxa kaliya oo ku faafaa qaniiyada kaneecooyin la dhaho magecooda cilmiga ah aedes aegyptea iyo Aedes albopictus oo ah dhediga kaneecadaisla kaneecadan ayaa sababi jirtay ama qaadi jirtayba xanuunadii la odhan jiray sika iyo dengue virus.


Astaamaha xanuukan lagu garto?

80 boqolkiiba waxay yeeshaan calaamadaha xanuunkan halka 20 ka soo hadhay aanay la iman wax calaamado ah oo xanuunkan tusinaya. badanaa astaamuhu waxay bilaabmaan 3-7 cisho kadib markii ay kaneecaddu qofka qaniinto taasoo uu la imanayo qofku xumad ka badan 38.5C xubno xanuun "laabatooyinka" oo aad u xanuuna, muruqyada oo xanuuna.madax xanuun,yalaalugo"naussea", matag ,laabatooyinkoo barara , finan , iyo mararka qaar dhiig ka imaada qofka , badanaa qofku ma dhinto balse qofka awooda iyo kicida ayaa ku yaraanaysa.


intee in leeg buu qofku xanuunkan u jiifi karaa ama hayn karraa?

Mudadu uu xanuunku qofka haynayaawaa ay kala duwantahay iyadoo ay ku xidhantahay qofka caafimaadkiisa guud sida uu yahay dadka qaar wiig ayay ku qaadataa halka qaar ay la socodo xanuunku billo.


wax dawo ah ma leeyahay?

xanuunka kani malaha wax dawo ah aan ka ahayn in la daweeyo astaamaha xanuunka oo lasiiyo qofka xanuusan xanuun baabiiye. qofka xanuusani aad hu u nasto , biyo badan iyo sharaab ha cabo, xannuukani isagga iskii iskaga tagaya.


Hana la xidhiidho haduu karayo neurologist , rheumatologist, infectious disease specialist haduu heli karo wixii talooyin ah


Dadkee xanuunkan u nugul xagga wax yeelada?

caruurta yaryar ee hadda dhashay , dadka daddoodu ka wayntahay >65 , dadka leh xanuunada kale sida macaanka dhiikarka, wadne xanuunka


Xanuunkani ma ku soo noqda qofka uu ku dhaco?

Ilaa imika dhakhaatiirtu waxa ay aaminsanyihiin in aanu xanuunkani qofka kusoo noqon marka uu ku dhaco kadib


Siddee baynu uga hortagi karnaa xanuunkan ?

Laba tallo mid waa talo dawladda ku socota in ay meelaha caamka ah ee biyuhu fadhiistaan iyo qashinkaba ay ka buufiso kaneecada oo meel wal oo biyo fadhiyaana laga sii daayo lana buufiyo. in ay bulshada aan heli karin marakaneecooyinka ee danyarta ah ka kaabto oo u iibiso wixii ay u baahanyihiin.


Taladda labaadna waa in bulshadu si wadda jir ah uga wada hortagaan meelaha biyuhu fadhiistaan si aad uga hortagto dhalashada kaneecada oo jecel biyaha urursan.


Guryahana waa in aynu ku buufino suntii kaneecada"insecticides " caruurta iyo dadkuna xidhaan marakaneecooyin intan uu xanuunku socdo mara kaneecooyinka halagu dadaalo, sharabaado iyo wax kasta oo kaa ilaalinaya in ay kaneeco ku qaniinto ,kana hor tagno si wada jir ah in aynu ilaalino meelaha biyuhu inoo fadhiisanayaan. ilaa inta wasaaradu ku dhawaaqayso in xanuunkan laga dabar jarray wadankeena .


sawiraddan soo socdaa waa qaar ka mid ah bukaanka xanuunkan .

#SHARE nala faafi bal si dadku uga faaidaystaan

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...