Gobanimo ! W/Q: Kaysar Maxamed

0
Sunday October 11, 2020 - 10:12:18 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1155
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Gobanimo ! W/Q: Kaysar Maxamed

    ... Waxaan ku Hambalyaynayaa Saaxiibaday Cali iyo Xaglo inay intii karaankooda ah la shaqeeyeen...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

... Waxaan ku Hambalyaynayaa Saaxiibaday Cali iyo Xaglo inay intii karaankooda ah la shaqeeyeen...

Inta badan   waxaa   caado Dalkeena ka noqotay in Siyaasiyiin badani ay xadhkaha goostaan oo ay meelo kale ama Xisbiyo kale ay ka fad-kudiyaan   marka uu uu yimaado qawad ama saluug siyaasadeed mid hoose ama  mid muuqdaba, waxaanad moodaa in  uu inagu yar yahay Samirka iyo Dulqaadku guud ahaan Bulsho ahaan.

 

Hadaba Labada Saxiib ee halkan ka muuqda oo kala   ah Saleebaan Xaglo-toosiye iyo Cali-marreexaan waxay ka mid ahaayeen dadkii Tacabka culus geliyay Xisbiga KULMIYE , waxaana dad badani ay filayeen inay ka mid noqon doonaan Xukuumadii uu soo dhisay Madaxweyne Muuse Biixi, hadana taasi ma dhicin   sababtuna waxa weeye marka Qadarka Alle laga yimaado in aanay suurto-gal ahayn in qof kasta oo KULMIYE laan u jebiyayba inaan Xil la siin karin, maadaama Xisbiga Kulmiye ay ku jiraan kumanaan qof, waxaa kale oo Madaxweyne Muuse uu xiisaynayay inuu Muwaadiniin cusub oo kale hawl-geliyo si Xilku meerto u noqdo, Jiil cusubna Qaranka loo gardaadiyo.

 

Hadaba Labadan Masuul ee Cali-Marreexaan iyo Xaglo-toosiye iyo Xubno badan oo kale oo ka tirsanaa Xukuumadii hore ee Siilaanyo waxay noqdeen qaar si dadban iyo si toos ahba ula shaqaynay Madaxweyne Muuse Biixi, marka laga reebo xubno tiro yar oo Xisbiyada kale u digo-rogtay, iyo Xubno kooban oo ilaa Xamar cararay oo ummadoodii khiyaameeyay.

 

Waxaan ku Hambalyaynayaa Saaxiibaday Cali iyo Xaglo inay intii karaankooda ah la shaqeeyeen Xukuumadooda iyo Xisbigooda, waxaanan rajaynayaa inay dhawaan ka soo muuqan doonaan golayaasha Xukuumada si ay   Barnaamujyada   iyo hawlaha Xukuumada u   yaalla ula fuliyaan Madaxweyne Muuse   inta aan la gaadhan doorashada Madaxtooyada ee Labada Sanadood ay ka hadhay.

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...