Gobolka Geeska Africa Iyo Sanadka 2021 Oo Lagu Wado In Uu Noqdo Sanad Doorashooyin !
W/Q: Muxamed Dhimbiil
Jamhuuriyada Somaliland
Waxa la filayaa in doorashooyin ay dhacaan sanadka soo socda oo aad
loo saadaalinayo , walow aan la garan karin qaabka ay u dhacayaan iyo in
doorashooyinku mar wada dhici karaan iyo in kale , sidaasi kale ayaa
waxa iyaduna taagan xiligii la furi lahaa ururada siyaasada oo dhow,
taasi oo ku xidhan doorashada goleyaasha deegaanka jamhuuriyada
Somaliland.
Doorashooyinkani oo ah qaar in badan dib u dhacay oo u baahan in la
qabto, isla markaana aan mar dambe in ay dib u dhacaan aan u
wanaagsanayn dalka iyo dadka jamhuuriyada Somaliland , oo wax badani
kaga xidhan yihiin doorashooyinka, sidaasi oo kale culeyska
muwaadiniinta raba in ay mansabyada qaranka qabtaan oo aad usii badanaya
taasi oo keeni karta culeysyo siyaasadeed iyo qaar nololeedba.
Xukuumada hadda talada haysa ayaa iyadana aan la garanayn in ay
suuragalin karto doorasho marka aad eegto ilaa hadda sida dalku yahay
iyada oo waliba la heshiisay labada xisbi mucaarid ee Somaliland oo aad
moodo in iyaguna furistii ururada siyaasada in ay ka yacaan oo sababtay
in arinkaasi dartii wax badan uga tanaasulaan.
Jamhuuriyada federalka Somalia
Waxa la doonayaa inta ka horeysa bisha March ee sanadka 2021 in ay
doorashadu dhacdo iyada oo caqabado badani jiraan isla markaana aan la
garanayn si ay u dhici doonto doorasho, oo xataa xukuumadii dalka
doorashada gaadhsiin lahayd ayaa ilaa maanta aan la soo dhisin.
Qaabka doorashada ayaa ah mid lagu noqday dariiqii hore ee
doorashooyinka Somalia 4.5 , waxaana meesha ka baxay nidaamkii uu
Madaxwaynaha dawlada federalka Somalia rabay ee ahaa qof iyo cod oo aan
xiligan suuragal noqon karin , kaasi oo galaaftay raisal wasaarihii hore
iyo xukuumadiisii oo rabtay in doorasho la galo.
Dalka Ethiopia
Dalka Ethiopia oo ay doorashooyinkiisu mudeysnaayeen bisha Aug 2020
ayaa dib loo dhigay sababo uu keenay xanuunka #Corronavirus , arinkaasi
oo ay qaadaceen Gobolka waqooyiga ee qoomiyada Tigray , waxaanay qabteen
doorashadii Golaha wakiilada Dadweynaha ee Gobolka Tigray , taasi oo
keentay in ay dawlada federalka Ethiopia ay sheegtay in aanay
aqoonsanayn.
Sidaasi oo kale maalmo kooban ka hor ayaa baarlamaanka dawlada
federalka Ethiopia joojiyey gabi ahaanba wada shaqeynta maamulka sare ee
Gobolka Tigray oo iyagu sheegay in aanay aqoonsanayn Raisal Abiy Ahmed
ilaa uu qabto doorashooyin , waxaana ay dawlada Ethiopia isku raacday in
wada shaqeynta laga jaro madaxda maamulkaasi laakiin maamulada hoose
iyo adeegyada dadweynuhu sidoodii ahaadaan.
Ilaa iyo intii uu Raisal wasaaraha Ethiopia dalkaasi qabsaday
sanadkii 2018 ayaa aanay isku wanaagsanayn xukuumada Abiy Ahmed iyo
qoomiyada Tigray , arimahaasi waxa keenay markii saraakiil badan iyo
madaxdii xukuumadii hore lagu eedeeyey tacadiyo badan, arimo
musuq-maasuq iwm oo gabi ahaanba xilalka sare ee dawlada federalka laga
dhameeyey iyo waliba go'aankii uu Abiy Ahmed ka qaatay Badhame xuduudka
Erateria iyo Ethiopia oo ay u arkeen in dhulkoogii ay ku dagaalamayeen
mudada badan si dhib yar la isaga bixiyey.
Qoomiyada Tigray waa jabhadii dalka Ethiopia ka xoreysay dawladii
Dhergiga, waxaana ay la midoobeen ODP oo ah Oromo democratic Party oo
iyaguna ka soo horjeeday nidaamkaasi dhergiga , sidaasi oo kale ayaa
ayey jireen qoomiyada Ahmara oo laftoodu ka soo horjeeday Dhergigii oo
sameystay xisbiga Ahmara Democratic party ADP iyo xisbiga ay lahaayeen
qoomiyadaha shucuubta koonfureed ee SEPDM iyo xisbiga Tigray TPLF ayaa
sameystay isbahaysigii dalka Ethiopia ka talinayey mudada dheer ee
EPRDF.
Markii uu geeriyooday Raisal wasaarihii awooda badnaa ee dalka
Ethiopia Malez zenawi waxaa loo dhiibay Haeila mariam desalem oo ka soo
jeeda shucuubta koonfureed iyo xisbiga SEPDM , si uu u dhameystiro
mudada u hadhsanayd malez zenawi, waxaana sii xoogesystay kacdoono ay
qoomiyada Oromadu bilaabeen, kaasi oo uu u sameeyey isku shaandhayn
masuuliyiinta dawlada waxaana la magacaabay madax badan oo ka soo jeeda
qoomiyada oromada si uu u damo kacdoonku.
Dedaaladaasi waxba kama tarin, waxaana xilkii iska casilay Raisal
Haielamariam Desalem sanadkii 2018 kii , waxaana Raisal wasaare loo
magacaabay Abiy Ahmed Ali oo ahaa Gudoonkii Xisbiga ODP ee oromada si uu
culeysku uga dago dalka doorashooyina loo qabto , Abiy Ahmed oo noqday
horaantiiba shaqsi ka saameyn badan oo ka gadisan waxii laga filayey oo
dalka Ethiopia u raray nidaam democratic ah , la heshiiyey dalka
Erateria, mucaaridkii dalka iyo jabhadihiiba soo xareeyey.
Dedaalo badan oo uu gallay ayuu Ethiopia kaga badbaadiyey in uu
dumiyo mucaarid iyo jabhado dalka dibada kaga yimaadaa, taasi oo
noqotay yididiilo iyo wanaag uu aduunka oo dhami ku soo dhaweeyey oo uu
ilaa bilada nabada aduunka ku qaatey , waxaana aad moodeysay in uu
laftiisa deg-deg badani ku jiray taasi oo dhalisay in dhawr goor la isku
dayey inqilaab iyo in ay soo cusboonaadeen mudaharaadadii qoomiyada
oromada dhawr goor.
Raisal wasaare Abiy Ahmed ayaa waxa uu aasaasay xisbi la yidhaahdo
xisbiga barwaaqada oo uu ugu talogalay in uu ku mideeyo qoomiyadaha
dalka Ethiopia oo dhan xisbigaasi oo uu u bixiyey Ethiopian prosperity
party (PP ) ayaa la filayaa in uu kaga qayb galo doorashooyinka soo
socda .
Dr Abiy Ahmed iyo xukuumadiisa ayaa waxa laga sugayaa in ay dalkaasi
doorasho ka qabato bisha March ee sanadkan, iyada oo waliba ay
xidh-xidhan yihiin qaar ka mid ah mucaaridka dalka Ethiopia ugu
waaweynaa oo lagu eedeeyey in ay kacdoonadan ku lug leeyihiin , markaa
lama saadaalin karo in ay doorasho dhici karto iyo in kale .
Marka aad eegto Gobolka Geeska Africa oo aad moodo in uu galayo
xaalado iskuwada dhow dhow marka laga reebo labada dal ee Djibouti iyo
Erateria oo aanay iyaga nidaamka dimuqaeadiyadeed ee axsaabta badani si
wanaagsan uga shaqeyn oo laftooda ay haystaan culeysyo dadkooga ka
haysta iyo qaar xaga aduunka ka haystaaba, lama garan karo waxa uu ku
dambayn doonaan dalalkaasi mustaqbalka dhow.
W/Q: Muxamed Dhimbiil
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...