Nuxurka Buuga (The Compound Effect).Q/5aad.

0
Sunday October 11, 2020 - 10:02:52 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1408
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuxurka Buuga (The Compound Effect).Q/5aad.

    Soo Ururintii: Axmed Cali Kaahin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soo Ururintii: Axmed Cali Kaahin.

Cutubka 4aad : Xawaaraha

Qoraagu cutubkan wuxuu tooshka ku ifinayaa waa Qaabka iyo sida jihada ciyaarta loo badalo, ama geer badalasho loo sameeyo, halka lagu tirtirayo dhaqamada qaloocan, si tartiib ahna xawaaraha u dhin dhinaca dabaacada guracan, adoo qeexaya riixayaashaada adoo xawaaraha kordhinaaya kuwa wacan ee haboon, waxa fiican dagdag u same taasi oo dadka qaar ku adag tahay, qaarna u fududahay in dhaqan hore la joojiyo mid cusub’na la daah furo. halkan waxa uu ku xusay qoraagu

Shan hab oo kugu beeraya caadooyin wanaagsan

1.   Qeex riixayaashaada.

2.   Dhamaan wax kastoo dib kuu dhigaya oo guriga yaala sida Tv’ga kuna. badal waxyaabo wanaagsan sida buugaag oo kale.

3.   Aayar aayar u badal dabeecadaha qaloocan waayo dagdaga laab lakac baa ku lamaan.

4.   Balse markaad samaynayso ficilka dagdag u samee, markasta.

Dhinaca kale waxa uu xusay in isbadalku adagyahay isagoo soo xiganaya Martin Luther king " waxa ugu dambeeya ee lagu cabiro qofku maaha halka uu joogo hadda ee raaxada iyo samaanta, balse waa halka uu istaago wakhtiga adag”

Todoba Talaabo oo Sal u ah Caadooyinka fiican

ü  U dhig naftaada in ay guulaysato.

ü  Markasta u fikir qaab iskugayna oon ahay kala jarid wakhtigana ha u qaybin caadooyinka fiican iyo kuwa xun.

ü  Ka dheeraw in aad u ban taalo bulshada xisaabteeda gudahaaga kaliya ka duul, "Raali galinta dadku waa yool aan la gaadhin”

ü  Ka ag dhawaw dadka guusha la saaxiibka ah. "Haddaad doonayso in aad duusho dadka duula ka ag dhawaw”.

ü  Tartanka quman ogow iyo wehelka wacan, Dr OZ wuxuu xusay haddii dadku maalintii kun talaabo socdaan way is badalilahaayeen.

ü  Wakhtiyada qaar waa in aad nafta abaal marisaa oo aad dabaal dagtaa guushaadana la cawaysaa maalinba guul, "dhiiri galintu waa shidaal” qof ka ugu mudan in uu naftiisa dhiirigaliyaa, maamuusaa, abaal mariyaa waa adiga marka koobaad.

Cutubka 5aad  Raadaynta

Markasta talaabada ugu horaysaa waa ta ugu adag ee la qaado dhaqaaqa koobaad iyo hinqashadu, "riixid iyo jiidid” qaacidadaasi bayna ku shaqaysaa oo waxna way ku riixayaan waxna way ku jiidayaan wayna soo kala horjeedaan markaa waa dhinacaad u badato, waxaanay qaadanaysaa wakhti iyo tamar joogtaynto, iyo caadooyinka wanaagsani, "xawaarahaaga xaga hore awoodiisa iyo xawaaraha dib usocodka ahi siday u kala awood bataan uun baan u ee kaanaynaa”.  Maanta dib u riixayaashu jeebadahay inooga buuxaan daqiiqad kasta. Xawaaraha xaga hore usocodka xooga saar ilawna dib jaleecida.

Waxaa la sheegaa labba orod yahan oo isdaba ordaayay xadhigii dhamaadkana u dhaw in kii horeeyay jaleecay kii ka dambeeyay, hakadkaa yare ee xawaarihiisii  ku yimid in lagu dhaafay oo kaalintii koobaad laga qaaday ee uu maanta oo dhan soo hogaaminaayay markaa jaleecida mashquuliyayaasha aan ilawno, kaliyana xaga hore aan eegno socodku haba yaraadee.

Waxa lag qoray Abraham Lincoln in uu yidhi "Aayar baan socdaa balse waligay dib uma noqdo”

Sidaasi oo kale  dayax gacmeedku markuu  kacaayo oo kaliya wuxuu isticmaalaa shidaalka ugu badan, halka shidaalka inta soo hadhayna uu isticmaalo safarkiisa oo dhan, dhaqaaqa koobaad awood badan buu u baahan yahay waayo "Silsiladaa la iska jabinayaa ka dibna waa la dhaqaaqayaa” haddaan fahamka soo dhawayno, waxaana ugu muhiimsan in aad samaysato xawaare joogta ah oo jiho saxan u socda.

Talaabooyinkan qaad si aad xawaare sare ku dhaqaaqdo.

·         In aad samaysatid doorashooyin waxay ku salaysan tahay hadafyadaada iyo dhaqamadaada.

·         Iyo in aad shaqo galiso doorashooyinkaaga adoo ku shaqaynaya dhaqano togan.

·         Ku celcelinta dhaqamada Caafimaadka qaba waxay yagleelaan caado oo cusub toosan.

·         Dhisida rakaad joogto ah hab dhaqankaaga maalin laha ah.

·         In aad ku taagnaato mudo dheer oo kugu filan in aad qabatinto laguna qiyaaso ilaa bil iyo badh ama 60 maalmood, Sida dad badan qabaan.

Waxa uu xusay in aad calaamadsato maal mahaaga, riyo fiicana diyaarso waayo maskaxdo waxay shaybaadhaa ama rogrogtaa wixii ugu dambeeyay ee ay qabatay sidaa daraadeed qoraagu wuxuu yidhi "waxaan akhriyaa buugaagta dhiiri galinta markaan sariirta tago ilaa tobban bog, si aan ugu riyoodo riyooyin fiican”, markaa waaba sababta diinteena la inoogu faray in Ashahaada aynaan hadal ka dambaysiin iyadana ku khatino, Naftana waa in la ruxaa oo laga horyimaadaa lana khilaafaa oo la laylyaa. Waxa xigi doona idamka Rabbi (Swt)Q/6aad.

Soo Ururintii : Axmed Cali Kaahin                                   


[email protected]

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...