Ex. Wasiir Shucayb Oo Ka Hadlay Sababta Looga Saaray Liiska Golaha Dhexe Ee KULMIYE.

0
Saturday October 10, 2020 - 18:24:43 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 4663
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ex. Wasiir Shucayb Oo Ka Hadlay Sababta Looga Saaray Liiska Golaha Dhexe Ee KULMIYE.

    "Tusaale ahaan anigu golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye waxaan kaga mid ahaa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Tusaale ahaan anigu golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye waxaan kaga mid ahaa"

Hargaysa (HWN) Wasiirkii hore ee Wasaarada Warshadaha xukuumadii Axmed Siilaanyo Shucayb Maxamed Muuse oo kamida siyaasiyiinta gobolka Gabiley ayaa ka hadlay wararka sheegaya in laga saaray liiska golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo maanta la shaaciyay Liiska rasmiga ah ee Golaha dhexe.



Wasiirka ayaa sheegay in aanu marka horaba ku jirin liiska Golaha dhexe, waxaanu sidaasi ku sheegay qoraal uu ku baahiyay baraha Bulshada oo isagoo dhamaystiran uqornaa sidan:-

 

Ugu horrayn ilaahay ayaa mahad leh, Baryahan waxan bara bulshada ku arkaayay, Warar ay ku sheegayaan in aniga iyo rag kale laga saaray , golaha dhexe ee Kulmiye su’aashu waxay tahay qofku isagoon kuba jirin golaha dhexe sidee looga saarayaa?


Tusaale ahaan anigu golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye waxaan kaga mid ahaa xilka wasiirka aan hayay kadib markii aan wareejiyay xilkii wasiirnimo ayay si caadi ah meesha uga baxday xubinnimadii golaha dhexe mudadaa intaa leegna kumaan jirin golaha dhexe ee laga hadlayo.


Dadka waxaanay warba u Hayn qorayaana hayska hubiiyaan intaanay waxba qorin.

Waad mahadsantihiin

Loading...
Loading...