'' La Soco Aduunka , Doodii 2aad Ee Joe Iyo Trump Oo La Joojiyey ''.

0
Saturday October 10, 2020 - 16:40:30 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 855
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' La Soco Aduunka , Doodii 2aad Ee Joe Iyo Trump Oo La Joojiyey ''.

    Komishanka qaban qaabiya doodaha musharixiinta madaxwaynyasha marayanka ayaa sheegey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Komishanka qaban qaabiya doodaha musharixiinta madaxwaynyasha marayanka ayaa sheegey

doodii 2aad ee dhex mari lahayd labadd odey ee Joe biddan iyo Trump in la joojiyey ka dib markii ay iskood isaga taageen dhinaca Trump doodaas .



Afhayeen u hadashay kooxda u qaabilsan kaambaynka Trump oo la yidhaahdo Tim mur taugh ayaa sheegtey in aan komishanku dhex dhexaad ahayn oo ay u xaglinayaan Trump , sidaa darteedna ay soo jeedinayaan in doodaha la qabto komishan la aan .


Si kastaba ha ahaatee , doodan oo 15 bishan October ka dhici lahayd Gobolka Miamia ayaa la joojiyey , nin u hadlay komishanka ayaa sheegey in ay qaban qaabinayaan doodii ugu dambaysay labadda musharax ku mudaysan 22 bishan October ee sanadkan , waaba hadii la isl ogolaadee .


Si kastaba ha ahaatee ,saadaalo soo baxay habeenkii xalay ayaa sheegaya in musharaxa xisbigga Dimuqraadigga Joe bidden uu aad uga horeeyo dhinaca saadaasha codbixinta Trump , Trump hadeer wuxuu u muuqdaa nin jaha wareersan oo daad sito , waxaana muuqata in doorashadda oo ku beegan 3 November ee sanadkan aanu rajo badan ku qabin in uu ku guulaysto amaba soo dhawaado, sidoo kale waxaa aad loo saadaalinayaa in labadda aqal ee Congresska iyo Sanaterka labadaba lagaga xoog bato xisbigga jamuurigga , waxaana doorashadan xamasad gaara usii yeelaya inta badan khubaradii xisbigga jamuurigga ayaa doorkan u ololaynaya in ay ridaan musharaxa  xisbigoodda .

 

W/Q: Ahmed Nour Guruje

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...