'' La Soco Aduunka , Abby Ahmed Vs Neteniyahu ''.

0
Saturday October 10, 2020 - 10:02:40 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1037
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    '' La Soco Aduunka , Abby Ahmed Vs Neteniyahu ''.

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje

Raysal wasaare Abby Ahmed ayaa telefoon kula hadlay saaka Raysal wasaare Neteniyuhu , waxaanu ugu hambalyeeyey xidhiidhka dhawaan dhexmaray Isreal iyo wadamada carbeed ee imaaraadka carabta iyo Baxrayn , waxaanu ku bogaadiyey in uu horseedey arrin wanaagsan oo jiilasha dambe ka macaashi doonaan waa siduu hadalka u dhigaye .



Dhinaca kale Banyemin Nataniyahu ayaa uga waramay xidhiidhada dhawaan dhexmaray wadamadda carbeed iyo sooyaalkii ay soo mareen , dhiniciisana wuxuu ka codsadey in 20 , oo qof oo asalkoodu yahay Yuhuud ( falaashe) oo ku sugan hadeer Gobolka Gondar ee wadanka Itoobiya in loo fududeeyo sidii ay ku iman lahayeen Isreal , isagoo sheegey in ay ka go'an tahay in uu sii wado mashruucii daad-guraynta Yuhuuda ee la odhan jirey Aliya


Abby Ahmed dalabkaa uga yimi Neteniyahu wuxuu kagga jawaabey in aanay jirin wax  carqalada oo ka hortaagan raysal wasaaraha dalabkiisa , diyaarna uu u yahay in uu u fududeeyo , arrintanina noqon doonto xididido isku xidha dadka Itoobiya iyo Isreal .


Dhinaca kale , labada oday waxay isla soo qaadeen in ay iska kaashadaan dhinacyadda Beeraha oo isreal ka caawinayso iyo iskaashi dhinacyo badan oo aan la xusin .


Si kastaba ha ahaatee , Isreal iyo Ethopia waxaa ka dhaxeeya xidhiidho soo jireena , hadeerna waxaa isha laggu hayaa in marka lagga soo jeesto Asarbajaan iyo Armeeniya in gobolka dawladaha ku loolamaya dagaalka qaboobi uu noqon doono Gobolkan Geeska Afrika .       

 

W/Q: Ahmed Nour Guruje

                   

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...