Taxanaha Jimcaha : Baarlamaan Khasaaray, Qaybta 1aad:

0
Saturday October 10, 2020 - 09:48:58 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1033
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taxanaha Jimcaha : Baarlamaan Khasaaray, Qaybta 1aad:

    (The Failed Somaliland's House Of Representatives And Elders). 2005-2020.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(The Failed Somaliland's House Of Representatives And Elders). 2005-2020.

????Guud mar kooban (Synopsis):
------------------------------ -----------------

Guud ahaan marka la sharaxaayo ,ama la macnaynaanyo baarlamaan (Gole Baarlamaan), waxa lagu macneeyaa Sidan:
"Waa tiir ka mida 3da tiir ee  dowladnimada ,waa waaxda sharci dajinta, bulshada mates ha, korjoogtayda  waaxda fulinta - waa gole ka kooban dad ay bulshadu soo dooratay oo metela  , kuna meleta  bulshada shaqada dowladnimada ,curiya shuruucda dalka ee loogu adeegaayo bulshada , lagagana ilaalinaayo dhamaan waxii dhaawac u keeni kara noloshooda , midnimadooda , wadajirkooda iyo dowladnimadoodaba".


 (Parliament is the group of people who are elected to make a country’s laws and discuss important national affairs or/ is a legislative body of government).


  Si kale hadaan u dhigo, waa GOLAHA, xakameeya /dabra /korjoogteeya dhamaan howlaha ay qabaayso xukuumada, bulshadana ka ilaaliya  dhamaan dhaqan xumadeedkasta oo dhaawacaya bulshada, dowladnimada iwm.


????Shaqada  : ( Functions):
------------------------------ --
GOLAHA baarlamaan ka shaqadiisa, hadaan soo koobo waa sidan :

✅Metelaad : Inay metelaan shacabka, gobol ahaan iyo qaran ahaanba (Representation of Electorate ) ,

✅Sharci dajin : inay curiyaan shuruucda dalka, xeerarka iyo ansixintooda, (Making National laws),

✅Inay la xisaabtamaan dowlada , korjoogtaynta waaxda fulinta ( Overseeing the activities of the Executive body ).

Marka lasoo duuduubo si guud mar ah, shaqadooduna waa intaas , laakiin wax badan ayaa ka farcamaaya oo u baahan faahfaahin aan xaga danbe kusoo qaadan doono.
 

???? Astaamaha (characteristics of MPs)
-(Muxuu dadka kaga duwanahay caadiga ah?) -
______________________________ ___________
???? Doorasho: xubnaha GOLAHA waa in lasoo doortay( elected by the people ),

Inuu matale yahay bulsho matala ( habab kale ayaa loo dooran karaa aan ku dhisnayn metelaad shacab.  kaas  macnahan ma soo galaayo ), (A representer is  An individual who is elected to represent the interest of his community /district/region  and the country as whole ),
????Sharci dajiye (a parliament is a legislative body of government),

????Inuu wakhti leeyahay (Defined time frame and mandate)

????Waxa uu awood u leeyahay dabagalka iyo korjoogtayda xukuumada, (supreme Authority to control Executive operations ).

????Baahida & Amiyada: (needs & Importance ):
(maxaa loogu baahday gole baarlamaan?).
______________________________ ___________
Sidaan kor ku xusay gole baarlamaan waa wax ka mida waaxaha dowlada /dowladnimada , waa waaxda dajisa shuruucda dalka ama ansixisa. Waaxda fulinta waxay u xilsaarantahay inay abuurto siyaasada guud ee lagaga shaqaynaayo ama lagu waajahaayo jaangoynta , maamulka iyo maaraynta guud ahaan arimaha bulshada (public service policy ). Marka la eego dowladnimada casriga ah , waaxda fulinta ma fulinkarto siyaasad aan sharci ku dhisnayn , ama aanu sharci soo xambaarin , oo aanu keenin hay’adii shaqada ku lahayd  si loo fuliyo .


Dhamaan xeerarka ka imaanaaya waaxda fulinta waxa xakamaynaaya ,diidaaya ama ogolaanayaa waa golaha baarlamaanka qaranka ,qaarna iyagaa curinaaya , iyagaanay tahay inay xamakeeyaan, korjoogteeyaan , u yeedhaan , su'aalaan iwm. Sidaas daraadeed waa gole lafdhabar u ah dowladnimada , adeega bulshada iyo dowladwanaaga .


Guud ahaan markaa la sharaxaayo  gole baarlamaan  aduunka meel kasta habkan ama habab u dhow ayaa loo sharaxaa  ,loo macneeyaa , habkasta oo loo sharaxo iyo dhan kasta oo layska taago , waxa ka soo baxaaya, waa sifooyinkaas  macno ahaan , sifaha guud ee uu leeyahay , shaqo ahaan iyo ahmiyada uu u leeyahay dowladnimada ee loogu baahday,( marka laga reebo inay yeelaan karaan sifooyin deegaameed /dhaqan /diineed /duruufo nololeed oo bulshooyinku ku kala gadisanyihiin ).


Hadii  laga waayo sifooyinkaas  sare , ama habka uu u shaqaynayaa uu ka duwanaado sharaxaada sare  , looma aqoonsan karo wakiilo , ama dad bulshada metela ,waxay qaadanayaan macno kale .


????Maxaa igu kalifay mowduucan inaan ka faaloodo (Statement of the Problem):
------------------------------ -------------------------
Golaha baarlamaanka Somaliland guud ahaan marka laysku daro wakiilo iyo guurtiba, waxay fadhiyaan kuraasta mudo dheer , oo ka badan waqtigii distooriga ahaa ee la siiyey ogolaanshaha inay bulshada matelaan . waqtigaas dheer ee ay fadhiyen, waxa ii muuqatay inay ka gaabiyeen  dhamaan waxii laga rajaynaayey waxqtigii la dooranaayey  , haday tahay dhanka metelaada bulshada , haday tahay dhanka shuruucda dalka ee ay ahayd inay jaangooyaan shuruuc ku dhisan maslaxada bulshada, haday tahay habdhaqanka ay muujiyeen intay xilka joogeen . Sidaas daraadeed , waa in la muujiyo waxa laga dhaxlay/dhaxlayo baarlamaanka Dhawaan la dareerin doono iyo siday bulshadu ugu hungowday, loona fahmo guuldarada iyo karti la'anta baarlamaanka jooga hada, si bulshadu wax uga barato, kuwa soo socdana layskaga shaandheeyo.


????Ujeedada qormadayda ( My Objective ):
------------------------------ -------------
Ujeedada aan ka leeyahay qormadan , waxa weeye  inaan wax ka iftiimiyo , wakhtiyada kala duwan ee golayaasheenu soo mareen , duruufaha waqti walba jiray , gole walba waqtigaas uu taagnaa iyo waxa bulshadu ka filaysay , (Democracy and pre-democracy period ),   2005 baarlamaankii la doortay , waqtigaa bulshadu waxay ka filaysay baarlamaankaas ilaa maanta jooga , siday ugu fashilmeen, inaan iftiimiyo  dhanka shuruucda , dhanka habdhaqanka , musuqmaasuqa , iwm, iyo inaan qolada cusub ee hada soo xaydxaydanaysa u sheego waxa kuwii horena ku fashilmeen , iyagana laga rajaynaayo waqtigan .


Sidoo kale waxaan tilmaami doonaa masuuliyada guud ee saran xukuumada , xisbiyada , madaxdhaqameedka ee ka saran inay bulshada waqtigan horkeenaan dad masuula oo garan kara xilkan , metelina kara bulshadooda duruufaysan , xogogaalna u ah dalka iyo duruufta taala , ee sababteeda ay tahay maamulxumida , musuqa , hunguriga xadhiga goostay, xogogaal u ah . waayo qof aan xogogaal u ahayn dalka , xildhibaanimadisii macno samayn mayso , waxna masoo kordhin karo , waayo meel u astaysan oo uu ka bilaababa garanmaayo .


 Ugu danbayn hadafkaygu waxa weeyo in dhamaan shacabka reer Somaliland qaybihiisa kala duwan(xukuumada, xisbiyada, madaxdhaqameedka, ganacsatada iwm) inay bulshada hor keenaan  dad bulshada mateli Kara, bulshada iyo dowladnimadaba u qalma oo wax kusoo korin Kara.


????Tixraax :Hadaad u baahato tixraac waxan ka hadlaayo ku saabsan, waxaad ka heli kartaa dhamaan codadka , hadalada xildhibaanada had iyo jeer badhkood la wadaagaan bulshada iyo tvyada . waa wax dadka inta badani fahmi karto . waqtiyada qaar arimaha bulshada ka qarsoon ayaa u baahda tilmaan bulshada loo tilmaamayo halka uu ka helaayo xogta marka laga hadlaaya, arimaha qaar waa waaqac horyaal bulshada oo aan u baahnayn tixraac . videos ka iyo warbaahinta uun raadi maqal muuqaal fashilkooda kuu muuqandoona  . shaqada ay qabtaan , waxay isku laayaan , isku mucaaridaan , dib u raac ka dib fahan oo caqliaaga la kaasho .  


  Intaas waa hordhac.

 ???? LA soco qaybaha danbe jimcayaasha danbe hadii ALLAHA AWOODA LIHI OGOLAADO.

Abdirashid Hussein Yousuf(Gahaydhle),
Doha, Qatar.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...