Digniin ka timid Kenya oo soo gaartay Dowlada Soomaaliya & Xiisad ka dhex taagan labada dal

0
Saturday October 10, 2020 - 08:55:33 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 2395
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Digniin ka timid Kenya oo soo gaartay Dowlada Soomaaliya & Xiisad ka dhex taagan labada dal

    Qoraalkan ayaa ka dambeeyey kadib markii xiisadda labada dhinac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraalkan ayaa ka dambeeyey kadib markii xiisadda labada dhinac

Madaxweyne Farmaajo oo Hambalyo u Diray Uhuru Kenyatta – SBC


Golaha Amniga Qaranka dalka Kenya oo uu shir guddoominayey madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa digniin iyo hanjaad loogu diray dowladda Federaalka ee Soomaaliya sidda uu daabacay wargeyska lagu Magacaabo African Intelligence.

 

2-dii October ayaa digniinta iyo hanjaada waxaa soo gaarsiiyay dowladda dhexe ee Soomaaliya wasiirka arrimaha dibedda Kenya Raychelle Omamo.

 

Dowlada Kenya ayaa Soomaliya uga digtay in ciidamada Kenya ay rasaas la beegsan doonaan kuwa Soomaaliya, haddii mar kale ay rabshado ka dhacdo xuduudda labada dal.

 

Qoraalkan ayaa ka dambeeyey kadib markii xiisadda labada dhinac ay sare uga kacday xuduudda daba-yaaqadii September, markaasi oo iska hor-imaad kooban uu xuduudda ka dhacay, kaasi oo ay ku lug lahaayeen ciidamada labada dal.

 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale taliyaha Ciidanka Kenya ku amray ciidamada Kenya in uu caddeeyo in Kenya ay ka go’an tahay inay tallaabo qaado, haddii rabsho kale ay ka dhacdo xuduudda.

 

Xiisadda labada dal ayaa ka dhalatay markii Ciidanka Kenya ay rasaas ku fureen shacab banaanbaxayay oo ku sugnaa degmada Beledxaawo ka dib markii Kenya ay afduubatay dad Shacab ah.


Loading...
Loading...