War Deg Deg Ah:-Ciidamo Badan Oo Lagu Daabulayo Boorama, Shacabka Oo Hanjabaado Diraya Iyo Qorshe Xukuumadu Maagan Tahay.

0
Friday October 09, 2020 - 22:46:48 in News by
  • Visits: 4202
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Ciidamo Badan Oo Lagu Daabulayo Boorama, Shacabka Oo Hanjabaado Diraya Iyo Qorshe Xukuumadu Maagan Tahay.

    War Deg Deg Ah:-Ciidamo Badan Oo Lagu Daabulayo Boorama, Shacabka Oo Hanjabaado Diraya Iyo Qorshe Xukuumadu Maagan Tahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Ciidamo Badan Oo Lagu Daabulayo Boorama, Shacabka Oo Hanjabaado Diraya Iyo Qorshe Xukuumadu Maagan Tahay.


Hargeysa(HWN):-Ciidankii ugu tirada badnaa ee ka tirsan kuwa hawl galada deg deg ah ee Birmadka iyo RRU-da ayaa la geeyey magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.


Dad ku sugan magaalada Boorama ayaa Hadhwanaagnews u sheegay in ciidamo tiro badan ay xukuumada Muuse Biixi ku soo daabulayso magaalada Boorama oo la filayo inuu maalinta sabtida ah gaadho madaxweyne Muuse oo ka qayb galaya qalin jabinta ardayda ka baxaysa jaamacada Camuud.



Sidoo kale dadweynaha magaalada Boorama ayaa si weyn uga biyo diidsan socdaalka uu Muuse Biixi ku imanayo magaalada, waxaana wadooyinka lagu qubay waraaqo lagu xardhay fariimo lagaga soo horjeedo socdaalka uu Muuse Biixi ku imanayo xarunta gobolka Awdal.


"Ninkii Ugaaskayaga u diiday in dhulkiisa yimaado anagana noo iman maayo.." ereyadaas ayaa lagu qoray waraaqo lagu daadiyey gudaha magaalada Boorama oo Muuse Biixi uu safar ku tagayo maalinta sabtida ah.


Sidoo kale dadweyne basas lagaga daabulayo magaalooyinka Hargeysa Iyo Gabiley ayaa ku sii jeeda magaalada Boorama kuwaas oo loogu tala galay inay safafka hore ka galaan soo dhawayn indhasarcaad ah oo ay Muuse Biixi ugu muujiyaan gudaha magaalada Boorama.


Wararka ayaa sheegaya in xukuumadu qorshahan hirgelinayso ka dib markii la dareemay heerka ay dadweynaha magaalada Boorama ka taagan yihiin socdaalka Muuse Biixi ku imanayo magaalada Boorama iyada oo aanay shacabka gobolkaasi raali ka ahayn imaatinka kornaylka iyo weftigiisa.


Image may contain: 4 people, people standing
No photo description available.
No photo description available.
No photo description available.

Loading...
Loading...