Cadowgeena Aan Garano

0
Friday October 09, 2020 - 12:01:16 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 880
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cadowgeena Aan Garano

    W/Q: Cabdirisaaq Darwiish

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cabdirisaaq Darwiish
CADOWGEENA AAN GARANO:

- Iyana waa tabaalaha waqtiga Taynu aragnaaye
-Tu kaloo ka daran baa jirtee Taana bal aan sheego. ( Afqalooc).


Ugu Horeyn eebbe weyne ha u naxariisto Macalinkii weynaa, siyaasigii Rugcadaaga ahaa, Afqabeenkii Hidaha fiicnaa, Waddanigii daacada ahaa, Nabadoonkii Geyiga  Ee Cali khaliif Galaydh.


-Gartay weeye Hayboow inaan guriga diidaa
-Waxba gogol ha ii dhigin Hurdada gama' lay diidye. (Qamaan Bulxan AHN).

Waxaan Baroordiiqda la qaybsanayaa Somalidii uu ka baxay Cali khaliif Galaydh alle ha u raxmadee:

- Abidkii Rag waa go'i jirey Kanise waa Gow'e
-Lix hal oo wada gaar ahaa gocanayaa mooyi (Cali jaamac Haabiil AHN).

Gabadhu xaalada ugu daran ee nolosha martaa waa marka ay Umulayso, xiliga dhibta badan ee foosha, xiligaas gabadha foolanaysaa waxay ku Hamidaa in aan dib dambe aanay nin ugu Uunsan doonin mar hadiiba ay dhibtan la kulantay, hayeeshee marka ay ilmaha dhasho waa ay ilowdaa wixii ay silic iyo saxariir ka martay Fooshii darnayd.

Abwaan soomaliyeed Sallaan carabay ayaa mar intaa gabay ku sheegay oo yidhi:
-Dumarkuba xumlada foosha way xanaf wareeraane
-Balse inay xusuus daran yihiin xaylka kale moog.

Soomalida ayaa dhaqanka noocaas ah leh oo u  ilowshiyo  dhow sida gabadhaa Umusha ah ee dhibkii ay soomartay aan bar ka xasuusnayn, waxaaba somalida dhexdeeda laysku yidhaahdaa ilowshiyo dhawaa ma umul baa?.

Dagaaladii geeska afrika ee u dhexeeyey somalida iyo xabashida waxay ka salka ku hayeen laba dhinac Oo kala ah:
Diin iyo Deegaan.

DIIN:

Somalidu waxay ahaayeen dadyoowgii ugu Horeeyey ee Qaata diinta islaamka markii saxaabadii nabigu soo gaadheen geeska africa gaar ahaan dhulkii somalidu waayadaa xukumi jireen. Dhulka soomalida ayaa ahaa meelihii geeska afrika ee diinta islaamku ku bulaashay,  kuna fiday.

Xabashidu maysoo dhaweyn soo galintaankii diinta islaamka ee geeska afrika waxay ku diideen cudud iyo dagaalo lagu riiqday oo qarniyo socday oo marba dhinac libintu raacaysay. Waxay haysteen diinta kiristaanka iyagoo kor u qaaday geeskana ku fidiyey fahamka kiristaanka iyagoo taageero aan kala hadh lahayn ka helay Quwadihii kala gedisnaa ee Dunida soo maray.

Dagaalkii Islaamka iyo kirishtaanka ama si kale hadii aan u dhigo dagaalkii Somaalida iyo Xabashida Itoobiya u  dhexeeyey ee bilaabnay bilowgii diinta islaamka weli dabkiisii ma demin, waa socdaa, Inta dunidu jirtana waa soconayaa.

Waqtigan hada taagan ma jiro dagaal toos ah oo u dhexeeya somalida iyo xabashida oo ku salaysan diin, hayeeshee siyaabo badan oo kala geddisan ayuu u jiraa una jiri doonaa.

Waxa jira dagaal lagu hayo dadkii u nasab sheegta diinta islaamka ee ku dhaqan gudaha xabashida kuwaas oo siyaabo badan loogu dhibo diinta ay haystaan.

DEEGAANKA:

Islaamku geeska afrika Muddo qarniyaal ah ayuu ka talinaayey si kale hadaan u dhigo soomalidu intii eebbe Weyne abuuray ee ay deganayd geeska afrika iyada ayaa ahayd cidda u talisa deegaankaa balaadhan ee ay degto, degaanka somalidu wuxu kasoo bilaabmi jirey Roganka  buuraha Sare Ee xabashida ilaa badweynta Hindiya Iyo  Gacanka cadmeed.
Waa dhul baaxad balaadhan xag loo dayaba.

Haddaba loolan adag oo dhaliyey dagaalo lagu riiqday ayaa ka bilaabmay geeska afrika oo u dhexeeyey Islaamka iyo xabashida gaalada ah kaas oo ku salaysnaa degaan kala riixasho.

Somalidii dhulka deganayd, iyo muslimkii kale ee la deganaa geeska afrika waxay ku guulaysteen inay xabashida dhulka kusoo yareeyaan, baqasho Awgeed inay dab shidan waayaan oo Hilbaha Qaydhin cunaan taas oo ilaa imika ay Qabatimeen oo Qayb badan oo kamid ah ay siddii Hilbaha Qaydhinka u cunaan.

Waxaa taariikhda la arkay Xabashida iyagoo buurihii sare iyo dhulkii Webiyada ahaa  soomalidii deganayd kasoo saaray, iyagoo dhulkii baaxada lahaa ku beeray xabashi kirishraan ah, waxay Qabsadeen dhulkii islaamku ka talinaayey ee geeska oo ay ugu Weynayd caasimadii Muslimka geeska afrika oo ahayd Magaalada Herar, Waxa kiniisad loo Rogay Masaajidkii Geeska afrika ugu Weynaa ee ku yaalay Herar,  intaa laguma joogsan ee dagaalkii Somalida iyo Xabashida u dhexeeyey ee deegaanka ku Salaysnaa waa socdaa, xabashidu waxay 2006 qabsadeen Xuduntii Soomalida geeska afrika taas oo ah magaalada muqdishu. Waqtiga aan maqaalkan Qorayo xabashidu Waxay haystaan Qaybo badan oo dalka  Soomalida kamid ah.

W/Q: Cabdirisaaq Darwiish 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...