Alla-Doori Kuu Tali Doqonayna Yeelkaa( Abdi-Shotaly).

0
Friday October 09, 2020 - 11:50:44 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1001
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Alla-Doori Kuu Tali Doqonayna Yeelkaa( Abdi-Shotaly).

    W/Q: Abdi-shotaly,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Abdi-shotaly,

Beenta la idinku maalaayo, ee kolba wax la idiin soo malma-luuqaayo waxa ka mid ah, Lacag uu ku sheegay " Hawl-gab " Baa la idiin hayaa. Bal waxaas xaaraamiga ahi, ee aan weliggii hal xalaal ah sheegini, wuxu doonaayo in uu idinku soo jiito mar kale u fiirsadda. waa wax waalan oo aan lagu soo dhawaane, yuu iska dhaadhi-cinayaa, ee aan aqoon.Waxa la yidhi " nimaad taqaano uur-kiisa baad ku jirtaaye" oo micnuhu yahay waxa uu fali doonyo, ama sidda uu u fekeraayo, afcaashiisa oo dhan baad korka kas ii og-tahaye, ee ku tala gal arimahan hoos ku qoran:-



(1) Haw malayn, hana u faddhiyin in somaliland intay sidan tahay meel gaadho.


(2) Doorasho xalaal ah yaan loo fadhiyin inta Labadda Asakri isu gees iyo gafuurayaan Somaliland.


Akhristaw sababaha aan u cuska-nayaa labadan qodob ee sare waxa weeye:-

(a) Guur-tidda oo diyaar u ah, una rixinaysa, oo dabadda u ruxaysa siddii ri orgoonaysa, dabadana u lusha maamulka askarta, una samaysa mudo kordhin markas kaste, ilayn iyadda bay dani ugu jirtaa oo aan sharci ku fadhiyini, imisa iyo labaatan sano bay meesha iska sii fadhidaa, oo ay iska hor keen uun wadaa? Taas oo arimaha lagaga hadlaayo aan dheg u jalaqsiin. Bal is weydiiya mee buuggii la yidhi ha la gubo, ee Cabdiraxmaan sakhraan uu ku caayaayey hablaha? Xagee buu ku dambeeyey? saw qawda maqashii waxna haw qaban muu noqon?


(b) Komishanka oo isagu, kaba soo jeeddda, maamulka iyo inta ku xeeran, madax-diisuna tahay gebi ahaan-ba kuwa uu askarigu u kensaday boobkadoora-shadda.


(c) Golaha xildhi-baanadda oo Iyana lagu yaqaan:-


(1c) In dhuunta loo qooyo, xaalkoo-duna yahay, " Faro Aan Dufan Lahayni Wax Ma Duugaan", ku shaqeeya, kuna xidhan kolba inta loo dhiibo.


(2c) Iyaka oo u badan, kuwa ku ab-tirsadda xusbiga dalka rogay ee kulmiye, tirana ah 62 Xildhiba-yaal ) Xilkii loo egmaday dhibay), lagu hoogay wixii ay ummadu u xil saartay.


Hadaba muwaadin sidaas oo ay tahay arintu, baa weli been la inoo sheegayaa, oo dhalaan habaabis iyo maaweello lala taagan yahay suuq-yadda, la doonaayo in raqabadda lagu hor dhigo, oo mar kale xawdda lagaa dhameeyo, laakiin " sir ma qabe allay sahana" Baa la yidhiye, arintu muwaadin kolba waa adigu sidda aad ka yeesho iyo isha lagaa arko, haddii aad is garab taagato mucaaridka, wax wali-ba sidda aad doonayso bay u dhacaysaa, haddii-se maanlin kaste kaadh-ka lagaa marsado, wallee Somaliland baa khatar ku jirta ( oo hadda aan jirin-ba), ee adiga iyo dadnima-daadda bay ku xidhan tahay. waa aad arkaysaa, oo kaama qarsoona sidda ay askartu kuugu badhee-dheen, ee ay iyaka iyo afartii daba dhilif ee reer walba lahaa, magac beeleed-na wax ku cuni jirey, ee askarigi "Raggii ma adigaa ka hadhay" Daba leef-yadda u ahaa ay isu caleemo saareen, qaar-na ooda laga rogtay, ku leh weliba xil baad na saarteen ( Waa yaabe miyaanay ahayn kuwii iyaku isku qorey liiska, ee iska xaadi-riyey,hadana la isugu kaa qarinaayo Somaliland baad wax yeelaysaa.


Intaa aan ku idhi dabadeed, bal hadda beryahan, iskuma aan deyine, ku soo dhawaadda in yar oo mudo sii horeysay aan tiriyey:-

Dalkii kala dareeyaye, horta yaa denbiga dhigay?

Inta daran ka sii daran, ka u daran dad moodooy,

Ka-daraad dugsa-naysaa, dirigaad hambuudhiyo,

Midkii diifta ku badaad, weli daba ordaysaa,

Duufaan qabyaaladi, dirxi hoosta kaga jiro,

Kuu dareershay subax qudha,daad raacdda kugu wadhay,

Intaan dooni kula degin, dusha daadku kaa marin,

Dana-haaga taliyoo, ka dal doorso dacaw-yadda.

Dugaag kuu xareeyaad, markuu dumiyey daartii ( Somaliland),

Daaqaddii la sii baxay, uu ka goostay daahii,

Dalagaad lahayd liqay, kaa dudubiyey hantiddii,

Digo kuu karkari-yaad, door hore ku bi'iyaad,

Maan-tana dul joogtaa, Ayaan daran in aad tahay,

Intaan dooni kula degin, dusha daadku kaa marin,

Dana-haaga taliyoo, ka dal doorso dacaw-yadda.

Dameeruhu ku dhaamaan, dulinimo adeys baday,

Weli aan dareemayn, door-yaankan baraddii,

Ku dikaday lib-taaddii iyo doogta kugu taal,

Nabaradda damqana-yiyo, darib-taadda kii cunay,

Inu dadabta kuu galay, ruux damiina mooyee,

Intaan dooni kula degin, dusha daadku kaa marin,

Dana-haaga taliyoo, ka dal doorso dacaw-yadda.

Miyey dedentay xaajadu, sawkaa dad-keeni,


Dibnii sheeko daayeen, daali-miinta madax biday,

Kuli loogu daw galay, dantoo-duun ka raacdee,

Kolkuu dabinka kuu xidhay, dar illaahay kaa tegay,

Mar kala-na I dooruu, weli kaa dal-banayaa,

Intaan dooni kula degin, dusha daadku kaa marin,

Dana-haaga taliyoo, ka dal doorso dacaw-yadda.


Digtoonaadda shicib-yahaw, intaan deylo lala tegin (Somaliland),

Darib-taadda jiidh-kiyo, dabool-kaagga haragiyo,

Dibnaa eebo lagu goyn, u dareerin Xamar iyo,

Darxuma-daad ogayd iyo, waxaad diiday beri hore,

Maantana dib ugu noqon, delde-laaddii waaggii,

Duuduub u madhiyaayey, duhur lagugu kala tegin.

Intaan dooni kula degin, dusha daadku kaa marin,

Dana-haaga taliyoo, ka dal doorso dacaw-yadda.


Waxan ku soo xidhay qoraalkan, aniga oo aan kugu badi-nayn, Shir ku sheegii maqaar saarka ahaa, ee uu askarigu caana-boodha guudka igaga shuba yidhi, iskuna caleemo saaray, intuu afartii wax u soo xadi jirey u yeedhay iyo Tuugta uu wiil-kiisu madaxdda u yahay ee la baxay "Heego" baa mar kale rabaa in uu ku hor yimaado, kaaga darane beentii uu akhri jirey-na laggugu afuufo, Ummadani waa ayaan oo meel bay habaar ka qabtaa,ilayn haddii kale kan oo kale uma yimaadeene. wuxu kaga sii daray anshx xumidda iyo waxa futa-daas leh oo wax is biday, waase doqone yeeleed.


* N.B Dulinimo adays baday, iyo doogta kugu taal!

Abdi-shotaly,

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...