Ex Madaxweyne Siilaanyo Iyo Xubno Kale Oo Dibada Laga Dhigay Guddida Fulinta Iyo Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye

0
Thursday October 08, 2020 - 15:31:57 in News by
  • Visits: 3646
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Ex Madaxweyne Siilaanyo Iyo Xubno Kale Oo Dibada Laga Dhigay Guddida Fulinta Iyo Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye

    Ex Madaxweyne Siilaanyo Iyo Xubno Kale Oo Dibada Laga Dhigay Guddida Fulinta Iyo Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ex Madaxweyne Siilaanyo Iyo Xubno Kale Oo Dibada Laga Dhigay Guddida Fulinta Iyo Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye


Hargeysa(HWN):-Shirweynihii 4aad ee xisbiga Kulmiye oo soo xidhmay maalintii salaasada ayaa warar ka soo baxayaa sheegayaan in golaha dhexe ee xisbiga iyo guddida fulinta laga saaray siyaasiyiin miisaan ku lahaa xisbigaasi.

Madaxweyne Siilaanyo Oo Goordhaow Ka Baxaya Qasriga Madaxtooyada Iyo Halka Uu U Socdaalayo | Waxsansheeg News


Wararka ayaa sheegaya in xubnaha laga saaray guddida fulinta iyo golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ay ku jiraan xubno miisaan leh oo aan la filayn in Muuse Biixi uu ku dhiirado in xisbiga dibada laga dhigo kuwaas oo intooda badani ay ka soo jeedaan beesha bariga Burco.


Aas aasihii xisbiga kulmiye isla markaana ahaa madaxweynihii hore ee somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) ayey wararku sheegayaan inuu ka mid yahay xubnaha laga saaray guddidii fulinta iyo golaha dhexe ee xisbiga kulmiye.


Go’aanka xisbiga Kulmiye dibada lagaga dhigay ex madaxweyne Siilaanyo ayaa ku soo beegmaya isaga oo shirweynaha xisbiga Kulmiye uga baaqday ka dib markii uu Muuse Biixi u diiday ergo uu codsaday inay kala qayb galaan shirka ayaa haatana dibada laga dhigay xisbiga Kulmiye iyada oo laga qaaday xubinimadii uu kaga tirsanaa guddida fulinta iyo golaha dhexe.


Sidoo kale siyaasiyiinta laga saaray xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ayaa waxa ka mid ah wasiirkii hore ee madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo ganafka ku dhuftay inuu ka qayb galo shirweynaha xisbiga maadaama oo laga hor istaagay inuu isku sharaxo xilka gudoomiyaha, wasiirkii hore ee qorshaynta Maxamed Ibraahin Aadan Qabyatire oo isagana hore loogu diiday inuu isku sharaxo xilka gudoomiye ku xigeenka 2aad ayaa isaguna ku jira xubnaha laga saaray golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye.


Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac oo xilal ka soo qabatay xukuumadii Axmed Siilaanyo iyo wakiilka somaliland ee dalka Kenya Baashe Cawil Cumar ayaa ka mid ah siyaasiyiinta laga saaray golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye

Loading...
Loading...