Mujaahid Axmed Mirre Oo Dalka Ku Soo Laabtay, Ganafkana Ku Dhuftay Qorshe Muuse Biixi U Soo Dhiibay Wasiiradiisa.

0
Thursday October 08, 2020 - 15:28:01 in News by
  • Visits: 5710
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mujaahid Axmed Mirre Oo Dalka Ku Soo Laabtay, Ganafkana Ku Dhuftay Qorshe Muuse Biixi U Soo Dhiibay Wasiiradiisa.

    Mujaahid Axmed Mirre Oo Dalka Ku Soo Laabtay, Ganafkana Ku Dhuftay Qorshe Muuse Biixi U Soo Dhiibay Wasiiradiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mujaahid Axmed Mirre Oo Dalka Ku Soo Laabtay, Ganafkana Ku Dhuftay Qorshe Muuse Biixi U Soo Dhiibay Wasiiradiisa.

Hargeysa(HWN):-Mujaahid Axmed Mirre Maxamed oo ka mid ahaa saraakiishii SNM ee ku guulaysatay xoraynta somaliland ayaa dib ugu soo laabtay dalka isaga oo haatan ku sugan magaalada Hargeysa.

Ma Run Baa Inuu Mujaahid Axmed Mire Ka Cudur Daartay Inuu La Kulmo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi? - Geeska Afrika Newspaper

Axmed Mirre oo khilaaf siyaasi ahi u dhaxeeyo Muuse Biixi ayaa ganafka ku dhuftay in la shaaciyo socdaalka uu dib ugu soo laabtay dalka ka dib markii ay wasiiro ka tirsan xukuumadu ku qaabileen madaarka magaalada Hargeysa.

Muuse Biixi ayaa xubno ka mid ah wasiiradiisa amar ku siiyey inay soo dhaweeyaan Axmed Mirre marka uu madaarka Hargeysa ka soo dago balse taas badalkeeda mujaahidka ayaa ka horyimid qorshihii ay wateen wasiirada ka tirsan xukuumada Muuse Biixi waxaanay wasiiradu u galbiyeen goobtii uu dagayey.

Mujaahid Axmed Mirre ayaa tan iyo wakhtigii uu Muuse Biixi talada somaliland qabtay waxa xumaaday xidhiidhkii u dhaxeeyey isaga oo marar door ahna ka horyimid martiqaad uga yimid madaxtooyada oo Muuse kaga dalbanayey inay kulmaan.

Mujaahid Axmed Mirre iyo Muuse Biixi ayaa marar hore iska weeraray warbaahintada iyada oo ilaa haatana aanu fiicnayn xidhiidhkoodu.

Loading...
Loading...