Akhriso Magacyada Siyaasiyiin Ka Soo Jeeda Gabiley Oo Muuse Biixi Ka Saaray Golaha Dhexe Ee Kulmiye

0
Thursday October 08, 2020 - 14:52:12 in News by
  • Visits: 3376
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso Magacyada Siyaasiyiin Ka Soo Jeeda Gabiley Oo Muuse Biixi Ka Saaray Golaha Dhexe Ee Kulmiye

    Akhriso Magacyada Siyaasiyiin Ka Soo Jeeda Gabiley Oo Muuse Biixi Ka Saaray Golaha Dhexe Ee Kulmiye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Akhriso Magacyada Siyaasiyiin Ka Soo Jeeda Gabiley Oo Muuse Biixi Ka Saaray Golaha Dhexe Ee Kulmiye

Madaxweyne Biixi Waxa uu Xabaal wadareed Raaciyay, Xubno Xisbiga Kulmiye Door Kulahaa oo Kasoo Jeeda Dhamaantood Gabiley Kuwaas oo uu Kasaarey Xubnihii Golaha Dhexe Ee Xisbiga Mana Jirto Degmo Ama gobol uu Sidaa u Galey Dadkii Sharafta Iyo Magaca Shacabka Huwanaa, isagoo horena Ugu Guurey uguna Shaqeystay Si Fool xun.




1-Cabdilaahi Xuseen Cige(Cabdilaahi -Balaaki), Waa mudane Katirsan Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ee Kasoo Baxey Xisbiga Kulmiye Xeerka Xisbiga iyo Sharciga ayaa Mar walba u ogol inuu Yahey, Xildhibaan Katirsan Xisbiga Kulmiye Golihiisa Dhexe, Waxa uu Xubin ka Noqon karaa Xubnaha Gudida Fulinta, Sida uu Doono ayuu Ka Yeelay Madaxweyne Biixi Banaankana Wuu uga Saarey Xisbiga iyo Golaha dhexe, isagoo ku qisaasaya, Doodii uu Ka Dhiibtey Xeerka Doorashada iyo Lacagtii lagu Xidhay, Kuxigeenada iyo Xisbiga kulmiye, Sharcina Ma aha Xeerna ma aha Gabileyna Kama xishoon ee Wuu u Badheedhay Isagoo aan Waxba iskaga Tirinaynin.

2-Abiib Xasan Filfil, oo ah Kaadari iyo Siyaasi Weyn, oo Soo qabtey Xilka wasiir iyo Xilal kaleba ah Ahna Gudoomiyihii Gudida Odoyaasha Habar-Awal ee isaga Ololaha Xoogan Usoo Galey Banaanka ayuu dhigay isagoo aan u Cuskan Xeer iyo Xaagaan Toona Waxaeyna Lamid Tahey Taasi mid uu ugu Badheedhay Shacabka Gabiley oo kali ku ah In Sidan Uu ula Dhaqmo Madaxweyne Biixi mudantii iyo Ninqartigii Ololaha Xoogan Usoo Galey isaga iyo Xisbiga Kulmiyeba.

3-Wasiirkii hore ee Warshadaha Shucayb maxamed Muuse ayaa kamid ah Raga uu Kusoo Guurey, ee Magacii iyo Sharaftii Gabiley ee uu Huwanaa uu Banaanka ku Tuurey Siduu Doonana Ka Yeelay, isagoo u Quudhi Waayay Xataa Kaadhkii Martisharafta.

4-Maayarka Degmada Gabiley Maxamed Aamiin Cumar Cabdi ayaa Kamid ah Raga uu ugu Badheedhay Sida qaawan Maadaama uu Yahey Maayarkii Magaca Bulshada iyo Shacabka Gabiley Huwanaa, Waxa uu ugu Badheedhay Si Qaawan oo aanu Geedna Ugu soo gabanin isagoo, ujeeda Reer Gabiley tusaale ahaan Maayarada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco, iyo Maayarka Berbera Cabdishakuur cidin iyo Ka Burco Maxamed Muraad, iyo Ka Boorame Saleebaan intuba Wey Kujiraan, Laakiin Maayarkii Gabiley Wax allaale iyo Wax uu Ku Xeeriyay Majirto Waxaanu Tan fariin Cad oo ah Halka uu ka Taagan yahay Gabiley iyo Dadkeeda ayuu u gudbiyay oo aanu waxba iskaga tirinaynin.

Loading...
Loading...