Sirta Farta Masaaridii Hore (Hieroglyphic) & Soomaaliga

0
Thursday October 08, 2020 - 11:05:25 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1304
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sirta Farta Masaaridii Hore (Hieroglyphic) & Soomaaliga

    Prof. Maxamed Siciid Gees – Qaybtii 14aad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Prof. Maxamed Siciid Gees – Qaybtii 14aad

Afkii qalaad ha moodin

Carrabku qaldimaayee

Sidii caanaha qudhqudhiyaay

Ereyada aan kuu qoro qumaati

Ugu bogo ‘Aa Ee Ii Oo uu’.

Xasan Sheikh Muumin



Ilaahay ha ka raali ahaado Marxuun Xasan Sheekh Muumin muxuu dhaxal uga tegay kaydka suugaanta Soomaaliyeed. Waxa uu ahaa; Abwaan, Hal-abuure, Hoobal, Heesaa, Jila, Gabayaa, sidoo kale waxa uu alifey ruwaayado caan noqday oo mid ka mid ah; Shabeel Naagood, af-ingiriisi uu u tarjumay Dr. Andrzejewski khabiir qoraallo iyo buuggaag ka qoray Af-soomaaliga. Jamacadda London (London University School of Oriental and African Studies (SOAS) ka dhigi jiray af-soomaaliga.


Ruwaayadda Shabeel Naagood waxay iftiiminaysaa gabood falka uu ku hayo dhaqanku haweenka Soomaaliyeed. Hadda ayaa Khawaajayaasha iyo hay’adahood shaqo ka dhigteen oo ku hambaabireen hawl Marxuun Xasan Sheekh Muumin uu si farshaxan ah ugu mujiyey hab-masrixiyeed konton sanno ka hor.


Haddaba, mar aannu Dr. Andrzejewski ku kulanay shirkii ugu horreeyey ee Culuunta Soomaalida (Somali studies) kaasoo uu soo abaabulay oo uu bilaabay Dr. Hussein Adam Tanzania (1980 – Moqdisho), waxa Dr. Andrzejewski ii sheegay markaa ruwaayadaasi Shabeel Naagood (A Leopard Among Women) uu casharrada ka dhigayo in hablaha fasalka ku jiraa ay ilmeeyaan jireen oo ay taaban jirtay dhibaatada haweenku .


Marxuun Xasan Sheekh Muumin waxa heesihiisa iyo ruwaayadahiisa uu ku hala-buuray lahjadaha kala gedisan ee Af-soomaaliga lagaga hadlo deegaannada Soomaalida. Jilayaasha ruwaayadihiisana way ku dhammaayeen deegaannada Soomaalidu, taasi waxay mutaysiisay in dadweynaha ruwaayadaha jeceli ay aad ugu hilloobaan ruwaayadihiisa.


Haddaba, haddii aan ku noqono arrintii Hiirooqalfiyada; waxa xeeldheerayaasha fartaasii ku sheegan in sawirkani uu u taagaana xarafka shibanaha ah ee latiin-ka ee Y. Waxa kale oo ay ku dareen warkaasii in isla sawirkaasi loo adeegsan jiray dhinaca qoraalka shaqalada; ‘A, E iyo I.’ Meeshaas waa la arki karaa in muran ka dhalan karo marka la daah-furayo ereyada fartii hore ee Masaarida.


Sawirka waxa lagu micneeyey inuu yahay; "Feather = baal ama qori duur xaluuf ah.” Haddii dhinaca Af-soomaaliga laga eego, waxa uu noqon karaa ereyga "Yix” oo ah timo fudud oo si fudud u bida ama u ruxma, eeg ereyada ka soo dheegma: Yaxyax = ruxan, yaaxeen = caato, Yaxeesi.


Eeg heestan Sayliciga ee dhaantada ah; "Ha yabaa hooy ha yabaa.” Yabaa afkii hore ee Masaarida waxay ku tahay; "God’s dance” ama dhantada asnaamta ay Ilaahyada ka dhigan jireen. Erayada fartii hore ee Masaarida ee sawirkan ku bilaabma.

Masaaridii Hore Ingiriisi (English) Soomaali
YB To be thirsty Yibil
YB To think ,to imagine Yaab
YB To mix Yabyab
YB Peasant Yabaal
YBW Dance of god Yabo
YBH To endow with soul Yabooh
YWR To conceive be pregnant Uur (yuura) urur
YW To cry out Yaw, Yawleh
YAWYAW Cry out, outcry Yawyaw
YWT Rank, dignity Awood
YW Praise Aw
Yb To cease, to stop Yab(abydin)
Ybwt Weeping goddess Abooto
Y—-i Me my I, ii
Y—-e He, who E, ee



Prof. Maxamed Siciid Gees – Qaybtii 14aad

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...