Doorashada Si Loo Galo, Ku Daro Tirada Boqol Gee, Darafyada Ka Fuuryeel, Distoorka Hanagu Furin.
BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM {A.S.C.W.R.W,B}
TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYASHODA.
1-DOORASHADAYNU GELAYNO,DOORKAN KUWII HORO KALE,
DAMACA YAY KU IMAN REER,DUUL AQOON LEH SOO XULA.
DALKAN QAAR U NAXAYOON,DUUNYO URURSANAYNOO,
DANYARTA IYO AGOOMAHA,WAXOODA AAN DAMAACIYIN.
2-DAARAHA IYO HUDHEELABA,DABAQYADA U DHAADHEER,
SHAARACYADA ISDABA TAXAN,DEGDEG NOOGA TAAJIRIN.
DERIS KALENA WUXU YAHAY,DUQBAA LOO TUMAA GEELA,
DADKAAGA CABASHADISIYO,DAREEN TABASHADOODABA.
3-DULMIGA IYO KA DHAWR EEX,DAYAX HADDAYDIN WEYDAN,
XIDIGUHU DAN WEEYAANE,DOORASHADUUN SI LAGU GALO,
DARAFYADUN KA FUUR YEEL,KU DAR TIRADA BOQOL GEEY,
DOORKANA SIDAA KU DAAYOO,DISTORUUN HANAGU FURIN.
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!