Qalalaasaha Kyrgyzstan

0
Thursday October 08, 2020 - 09:46:31 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 669
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qalalaasaha Kyrgyzstan

    W/Q Mohamed Aden Hassan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q Mohamed Aden Hassan.

Waddanka Bartamaha Aasiya ee Kyrgyzstan ayaa galay fowdo siyaasadeed Talaadadii ka dib markii kooxaha mucaaradka ay la wareegeen gacan ku haynta baarlamaanka isla markaana ay sii daayeen hoggaamiyeyaashooda u xirnaa mudaaharaadyo ay uga cabanayeen doorashadii baarlamaanka ee ay ugu yeereen wax is daba marin

 

Cadaadiska sii kordhaya ee ka imanaya dibadbaxayaasha, Guddiga Dhexe ee Doorashooyinka ee dalka ayaa baabi’iyay natiijooyinka codbixintii Axadda, maalin kadib markii ay aqlabiyada ugu badan kuraasta siiyeen laba xisbi siyaasadeed oo xiriir la leh madaxweynaha, Sooronbai Jeenbekov.

 

Habeenimadii, koox yar oo mudaaharaadayaal ah ayaa ka go'ay qeybta weyn waxayna isku dayeen inay galaan Aqalka Cad, oo ah dhismaha ugu weyn dowladda ee ay degan yihiin baarlamaanka iyo maamulka madaxweynaha, ee ku yaal Bishkek, caasimadda. Ka dib markii boolisku isku dayay inuu kala kaxeeyo, boqolaal kale ayaa ku soo biiray weerarka isla markiibana waxay la wareegeen gacan ku haynta, sida ku cad sawiro iyo muuqaal video ah oo goobta laga soo qaaday.

 

Maalintii Talaadada, jidadka Bishkek waxaa buux dhaafiyay gawaari gubatay iyo dhagxaan badan, halka sawiro laga soo qaaday albaabada la jaray ee Aqalka Cad. Dhismaha gudihiisa, fiidiyowyo iyo sawirro ayaa laga dheehanayay muraayad jajaban iyo qashin fara badan, oo ay ku jiraan waraaqaha dowladda, iyadoo dibadbaxayaashu ay wareegayaan xafiisyada. Magaalada gudaheeda, dadka degan waxay sameysteen guuto iskaa wax u qabso ah si looga hortago kuwa wax dhaca.



Hal qof ayaa ku dhintay ugu yaraan 680 kalena waa lagu dhaawacay intii ay socdeen dibadbaxyada, Wasaaradda Caafimaadka ee dalka ayaa sidaas sheegtay.


Mr. Jeenbekov, oo loo doortay mudo lix sano ah sanadkii 2017, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in mudaaharaadayaashu ay isku dayeen inay "si sharci daro ah xukunka kula wareegaan," wuxuuna ku booriyay inay si nabad ah ku kala dareeraan. Mr. Jeenbekov wuxuu kaloo sheegay inuu diyaar u yahay inuu la kulmo hogaamiyaasha dhamaan 16-ka xisbi ee ku tartamay doorashada, si loo yareeyo xiisadaha jira.


DalkanKyrgyzstan ayaa waxa lagu yaqaan daganaasho la”aan xaga doorashada ah iyo isku san balaadhshiyo la”aan dhinac walba ah.

 

TWITTER:     HON Mohamed Aden Hassan

            Email:          [email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...