Ummadaan Xulanayneen, Aqaladaw Dhiibanayno, Horta Maynu Ogaano.
WAXAAN SALAAN KHAAS AH U SOO DIRAYAA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA.
1-U ADEEG BULSHADAADA,U ADKAYSO DHIBKOODA,
MIDNA WAA KA ADEEGO,ADUUNKOODA KA BOOBE,
ARIMUU WAA LABADAYE,IYAMAAD TAHAYUUN,
HADDEER AAN KU OGAANE,HAGAAG NOOGU IFTIMI.
2-AGABKOODA DHEXYAALIYO,IMISAAD AQAL LEEDAY,
AMINKAY KU JIRTAAYE,IMISAAD UURYO QABTAA,
HAYNOO DAAYO ILAAHE,UBADKU WAA IMISOO,
INTEEBAA AADA SKUULKA,AMA EEGA SUGAAYA.
3-ABAHAA IYO HOOYO,IYAGU WAA MA HURAANE,
EHELKAD KORINAYSE,KALENA NOO YAR AGJOOGSO,
URURIYOO ISU GEEYO,ANFACAAD SIDATO DHAN,
INTOODAA BAL U QAYBI,ADIGOON WAX AMAAHAN.
4-MARKAAD JOOGTO AYAAMO,AANU EEGNO XISAABTA,
ALLAHEENBA WAX BAXASHA,ALBAABADI BADANYINE,
MUSQMAASUQ ADKAADA,ARLADEENA HADHEEYAYE,
AFLAGAADO HA MOODIN,WAA ILAALINTA MAALKEE.
5-AQALADAAS GOLAYAASHA,HA LAGUU IGMADEE,
ADIGOON ANFARIIRIN,AAYAR NOOGA JAWAAB,
CADAYMO AADA LA KAALAY,MAXKAMADEENU,
ASATAYSOOY AKIDAYOOY,AADNA U BAADHAY.
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!