Dawlado Iyo Dadweynaba, Dimuqraadi Lama Garan.

0
Wednesday October 07, 2020 - 10:36:57 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 686
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlado Iyo Dadweynaba, Dimuqraadi Lama Garan.

    Ismail Abdillahi Handuleh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ismail Abdillahi Handuleh.

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM{A.S.C.W,R,W.B}.

TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYASHEEDA.

 

1-Dawladiyo dadweynoow,Dimuqraadi lama garan,

    Dawgii loo maraayo,Daaluunba dad kordhsaday,

    Dockastaba u cararayoo,Dariiqeeda lama helin,

    Duqayda iyo haweenkaa,Darkii jebiyey mooyane.

 

2-Dimuqraadinimadii,Darteeda miidiyaha degay,

    Diirmadoow dhamaaniyo,Dawladaha carabta ah,

    Dulsaar bay ku tahay culus,Dimuqraadinimadan

    Diinahaa badh necebyiin,Doonahaynin badankod.

 

3-Dalabka weeye gaalada,Waanay nagu dirqiyayaan,

    Dool raac bay inagu tahay,Teenani haw daraataba,

    Doondoon cadaankiyo,Dameeri raacday dhaanuun,

    Dabay soo amaahdaan,Siyaasiyiintaydun dirataan.

 

4-Diiday haddii la odhanlana,Dantaa noo qasbaysiyo,

    Duruufahan na daashaday,Dabarka noogu xidhaye,

    Dareenkana ogsoonyiin,Dunidan inay danbaabaan,

    Dimuqraadinimo tahay,Dulmi kastooy sameeyaan.

 

5-Doorsoon  Islaamkiye,Daayinoow ALLAA JIRA {SWT}

    Dawladihi dareeroo,Darbaa tegey Yuhuudi derisnimo,

    Dalbadanayo walaalnimo,Degdegayo dhaqaaqo qudus,

    Daadka raacsho Talabib,ka daadegay diintaw gargaarow.

    Doorkan sabato bixiyoo,Daalimiinta naga qabontaa.

 

                     Ismail Abdillahi Handuleh.

   
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...