Ged-gedoonka Siyaasada Somaliland, Doorashooyinka Somalia Iyoxaaladaha Ethiopia!!
W/Q: Mohamed Dhimbiil
Gobolka Geeska Africa waxa ka socda isbadelo badan oo qaarna ay
hoosta ka soo hurayaan, qaarna ay soo muuqan doonaan dhowaan , waxaana
laga yaabaa in ay isbadelaan wax badani horaanta ilaa badhtamaha sanadka
2021 marka aad eegto sida ay wax yihiin.
JAMHUURIYADA SOMALILAND
Jamhuuriyada Somaliland waxa ka socda Ged-gedoon siyaasadeed oo
gabi-dhacleynaya oo aan la saadaalin karin wax badan , sababo badan
awgood , waxaa ka mid ah sababahaasi;
1- waxa aan wali cadeyn cidda ku tartamaysa doorashooyinka soo socda
oo wali go'aan aan laga gaadhin in tartankii ururada siyaasada iyo
axsaabta la furayo oo la raacinayo doorashada isku sidkan iyo in aan la
fureyn oo doorashooyinku kala hadhi karaan isla markaana xiligeeda lagu
beegi doono.
2- Axsaabta siyaasada Somaliland ee hadda joogtaa wali ma jiro mid
uu cad yahay murashaxa u taagan doorashada madaxtooyada ee dambe oo wali
waxa ay la rafanayaan shirarkii lagu dooran lahaa hogaanka xisbiga ,
xubnaha golaha dhexe , fulinta iwm.
3- waxaa suuragal noqon kara in deegaamada wax dooranaya ee axsaabtu
taageerada ka helaan iyaguna ay is badeli karaan oo uu soo baxo
isbahaysiyo siyaasadeed oo cusub , kuwaasi oo noqon kara qaab beeleysan
iyo qaabab gobeleysanba.
Somaliland doorashada soo socota waxa lagu kala guuleysanayaa dadka
dibada ka taagan axsaabta siyaasada ( un desired ) ama beelo ha noqdaan
ama dadka tirada badan ee raba in loo furo ururada siyaasadeed ha
noqdaane , ku guuleysigeeduna waxa uu u baahan yahay xirfad iyo
farshaxanimo siyaasadeed.
JAMHUURIYADA FEDERALKA SOMALIA
Gobolka Geeska Africa waa mid marba marka ka dambaysa saameyntiisa
uu isku leeyahay ay aad isugu soo dhawaanayso sababta oo ah wax badan oo
laga mideysan yahay ayaa jira oo ay ugu horeyso la dagaalanka
argagixisada , in nabadgalyo lagu wada noolaado iyo in la iska kaashado
waxii uu dano ah guud ahaan Gobolka Geeska Africa.
Haddaba dalka Jamhuuriyada Federalka Somalia waxa isagana ka jira in
la mudeeyey doorashooyinkii dalkaasi oo laga yaabo in ay dhameystirmaan
inta ka horeysa bisha Feb 2021 , walow xiliga la mudeeyey iyo hawsha
taala baaxad ahaan iyo sida wali aan talaabo hore loogu qaadin la odhan
karo dib ayey u dhici karaan.
Waxa iyaduna aan wali la soo dhisin xukuumadii dalka doorashada
gaadhsiin lahayd ee suuragalin lahayd in doorasho qabsoonto , taasi oo
iyaduna ah caqabada koowaad ee hada taaganba , marka aad eegto
arimahaasi iyo qaar kale oo badan oo jira waxaa dhici karta in aanay
doorashooyinku ku qabsoomin xiligaasi loo asteeyey.
Jamhuuriyada Federalka Somalia waxa iyadana ka jira is xulafaysiyo
beeleed iyo qaar siyaasadeed oo si hoose u socda oo la rabo in cid
waliba Madaxwaynaha dambe ee Somalia iyagu yeeshaan, arinkani oo ay u
xusul duuban yihiin Madaxwaynayaasha maamul goboleedada, Madaxwaynaha
farmaajo, isbahaysiga mucaaridka ah iyo axsaabta kale ee badani .
Waxa iyaduna dhinac socota doonista beesha ceelamka , saameynta
dawladaha jaararka la ah Somalia ay ku leeyihiin doorashada Somalia,
saameynta xoogan ee wadamada carabta iyo Turkey uu ku leeyahay iyo
waxyaabo badan oo kale oo ka ah dibada oo ay macquul tahay in ay wax
weyn ka badelaan doorashada soo socota
SAADAASHA MADAXWAYNAHA SOMALIA EE SOO SOCDA IYO KHATARAHA SOMALILAND KAGA SOO FOOL LEH
Madaxwaynaha Somalia ee soo socdaa waxaa doorkan suuragal ah amaba
laga filan karaa in uu noqdo Madaxwayne ka soo jeeda Jamhuuriyada
Somaliland , arinkani oo ah mid looga jeedo xal Somaliland lagu soo gole
galinayo , fartaasina waxa soo dhigaya maanta cida kursiga fadhida .
Sababta ugu weyn ee doorashada Somaliland iyo Somalia la iskugu
dhadhaweeyo xiliyadooda baryahan dambe oo dhan ee la iskula eegtaa waa
sababo siyaasadeed oo salkeedu fog yahay oo loogu talogalay in marka
doorashada la isku colaadsado ay dagaalo dhacaan amaba beelo la isku
dilo , si loo helo jamhuuriyadii Somalia oo isku xaalad ku jirta.
Sidaasi oo kale waxa la saadaalinayaa in xulfi siyaasadeed oo
beelaysan ay isla gaadayaan beelaha Hawiye iyo Daarood oo daaha
dabadiisa lagu soo shiilayo arimo badan, waxa isaguna cidiyaha ku
dagaalamaya Farmaajo oo aanay dani ugu jirin waxyaabaha socda oo raba in
uu halkooda ku burburiyo.
ETHIOPIA
Waxa ay ahayd sanadkii 2018 markii uu dalka Ethiopia Raisal wasaare u
doorteen Abiy Ahmed Ali , waxaa uu ahaa shaqsi markii kursiga uu yimid
faaladii iyo sidii loo haystay si ka duwan ah , waxaana uu noqday qof
qaatay go'aano adadag si uu dalka Ethiopia uga taliyo mustaqbalkiisa
dambe , waxaana uu la heshiiyey Erateria oo ahayd halkii Ethiopia dabku
kaga soo baxayey waxa ay noqotay lama filaan.
Waxa uu qaatay in uu guud ahaan jabhadihii iyo mucaaridka dalka
Ethiopia oo dhan soo dhaweeyo, waxii maxaabiis xidhnaa sii daayo
dalkana ku dhaqo nidaam furfuran oo dabacsan oo dimuqaeadiyadeed oo aan
dalka Ethiopia hore uga hirgalin , oo dhinacwalba xaga ganacsiga ,
furfurnaanta siyaasadeed, cilaaqaadka Ethiopia iyo dawladaha Gobolka
iwm.
Talaabo kasta oo uu qaadaa cid bay danaheega ka hor imanaysay oo aan
jeclaysanayn taasi oo uu khatar ku gallay in la inqilaabo amaba la
khaarajiyo oo uu ka badbaaday, waxa dhacday in dardartii ku jirtay uu
aad u degdegay oo laftiisu taasi oo keentay kacdoonada soo cusboonaaday
guuxa tigreega , arinka biyo xidheenka iwm.
Ethiopia waxa iyadana ka dhex socda is xulafaysiyo siyaasadeed oo
aad loo dareemayo oo waxa aad moodaa in xayndaabka xisbiyadaba la iskala
baxayo oo loo guuri doono xulfi siyaasadeed oo qoomiyado dabada ku haya
kaasi oo aan la garan karayn waxa uu soo wato iyo qaabka uu noqon doono
ilaa hadda laakiin waxa muuqda sansaantoodii.
Hadda Ethiopia lama garanayo goor doorashada la qabanayo , maadaama
madaxdii mucaaridka la xidh-xidhay , gobolada qaar ku kacsan yihiin
maamulka Abiy Ahmed, haddana dalka Ethiopia maaha mid loogu werweri
karo sida dalalka kale ee Africa , sababta oo ah taariikhda ayaa wax
badan ku baraysa iyo inta uu dalkaasi soo jiray iyo wax badan oo Africa
ku burburtay uu kaga badbaaday.
Labada dal ee kale ee Erateria iyo Djibouti iyaga doorashooyin iyo
nidaamyo dimuqaeadiyadeed midna lama hadal hayo, taasi oo khatar ku ah
dadka dalalkaasi ku nool iyo guud ahaan Gobolka Geeska Africa maadaama
uu yahay mid saameyntiisa iyo xaaladihiisu iskuwada xidhan yahay.
Mohamed Dhimbiil
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...