Madaxweynaha Maali oo Magacaabay Ra'iisul-wasaare Cusub
Raysal wasaaraha cusub ee dalka Maali.
Magacaabista Raysal wasaaraha ayaa ka dambaysay ka markii jimcihii hore ay dhammaan is-wada casileen raysal wasaarihii xukuumadda iyo golihiisii wasiiradu. War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Maali ayaa lagu sheegay in Dhagtar Ciise uu noqon doonoo Raysal wasaaraha cusub ee dalka Maali.
Raysal wasaarihii hore iyo golihiisii wasiirada ayaa waxba ka qaban waayey dagaallo faraha lagaga gubtay oo u dhexeeyey qoomiyada xoolo-dhaqatada ah ee Fulaani iyo qoomiyada ugaadhsatada iyo beeraleyda isugu jirta ee Dogon. Waxaana bishii saddexaad ee sannadkan dhintay 160 qof oo ka tirsan qoomiyada Fulaani, taasi oo dhalisay inay dibad-baxyo ka dhacaan caasimada Bamako oo ay dadku ku dalbanayeen inay xukuumadu ku fashilntay inay waxba ka qaban weyday xasuuqyada ka dhacaya dalka.
Sidoo kale waxa dalalka Maali iyo Burkiinofaso ay dagaal kula jiraan kooxo jihaad oogayaal ah oo doonaya inay maamul ka sameeyaan dalalka ka hoose saxaraha. Kooxda islaamiyiin ah ayaa xidhiidh la leh qoomiyada Fulaani, waxaanay weeraro ku soo qaadaan qoomiyada Dogon.


0 





