Algeria oo Maalqabeenno u Xidh-xidhay Musuqmaasuq
Xafiiska xeer ilaalinta guud ayaa sheegay inay shanta maalqabeen la soo taagi doono maxkamda si ay u waajahaan dacwadaha loo haysto. Dacwad-oogayaashu may bixin wax kale oo tafaasiil ah. Shanta maalqabeen ayaa xidhiidh aad u dhow la lahaa qoyska madaxweynihii hore ee Al-Jeeriya labaatankii sanno ee dalkaasi maamulayey.
Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay shantan maalqabeen ee la xidhay inay dambigaasi qabaan iyo in kale. Xidhiga maalqabeennadan ayaa ka dambeeyey ka dib markii uu taliyaha ciidanka Al-Jeeriya Janaraal Siciid Saalax uu sheegay in la dacweyn doono dadkii ku kacay musuqmaasuq mudadii ay xilka hayeen iyo wixii la xidhiidha. Maxkamada Al-Jeeriya ayaa waraaq yeedho ah u qortay Raysal wasaarihii hore, wasiirka maaliyad iyo laba xubnood oo aad ugu dhawaa qoyska madaxweynihii hore, waxaana galay baadhitaanno dhinaca musuqmaasuq ah.
Hadhwanaag


0 





