Faaliyihii Qaranka oo Saylici u faaliyay ( in uu Madaxweyne noqonaayo)

0
Tuesday October 06, 2020 - 09:46:44 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1192
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faaliyihii Qaranka oo Saylici u faaliyay ( in uu Madaxweyne noqonaayo)

    W/Q: Cali Maxamed Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cali Maxamed Biixi

 Faaliyihii Qaranka Somaliland oo habeenkii  dhawayd ee Dayaxa iyo ( Mars) godka wada fadhiisteen ee Hargeysa laga wada arkay.  Ayaa Cabdiraxmaan Zaylici loo faaliyay,  waxa loo sheegay oo lagula taliyay in uu ka tanaasulo tartanka  Gudoomiyaha 4 aad ee Xisbiga Kulmiye.  Sababtoo ah : waxa uu noqon doonaa dhawaan  Madaxweynaha dalka Somaliland, sidaas awgeed waa in uu iskaga hadhaa tartanka.

 

Kabacdi waxa uu u tegey Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo  oo aad iyo aad uga cadhaysan shirka xisbiga Kulmiye ee 4 aad. Sababtoo ah .



Waxa loo diray 5 kaadh oo layidhi kaga soo qeyb gal shirka, kadibna markii arinkaa ka cadhooday waxa loo kordhiyay kaadhadhkii casuumadda oo 25 kaadh ayaa looga dhigay, oo Wasiir Maxamed Kaahin loogu dhiibay, arinkaasna wuu diiday in uu shirka ka soo qeyb gala,  waanu ka cadhooday, kadibna dalkaba wuu iskaga  dhoofay isaga oo aan doonayn in uu shirka ka soo qeyb galo.

 

Waayo sidii uu kula heshiiyay isaga iyo Madaxweyne Muuse Biixi sidan may ahayn iyo sidii uu Gudoomiye nimada xisbiga isaga Xisbiga Kulmiye ugu wareejiyay.

 

Beeshii Axmed Siilaanyo ka soo jeedayna shirkan way ka maqan tahay , isbahaysigii iyo waxyaabihii  ay ku heshiiyeen Beesha MD Muuse Biixi iyo Axmed Siilaanyo na wuu ka baxay MD Muuse Biixi.

 

Hadaba  mustaqbalkii Xisbiga Kulmiye mugdi  ayuu galay iyo kala qeyb sanaan .

Arintaasuna werwer keeda ayey leedahay,  waxaanu Xisbigu  ku socdaa wadadii uu qaaday Xisbigii  UDUB.

Hadaba aynu sugno ayaamaha soo socda iyo natiijada ka soo baxda shirka xisbiga Kulmiye iyo isbahaysiyada  cusub ee soo bixi doona.

 

Cali Maxamed Biixi

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...