Han Yaraanta Dadkeena Iyo Halowga Dalkeena

0
Tuesday October 06, 2020 - 09:40:04 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 713
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Han Yaraanta Dadkeena Iyo Halowga Dalkeena

    Ma hamigeena gaaban mise hayb ayaa halkaa ina dhigatay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma hamigeena gaaban mise hayb ayaa halkaa ina dhigatay?

Maaha habaar iyo hal-beegsi qaldan maaha hiif iyo hirgaad dalkeena. Aan u qabno  halhaysta aan hadalkeena uga dhigay hal abuurka

 

Himbiriirsi ayaa. Wax ku arka marka eego haruumarka dalkeena tan iyo intii xukuumadda muuse xakammaha ula wareegtay dalka.



Hayaan kaa sugaynay ayaan haatan heeryadiisiiba lahayn. Ma hamigeena gaaban mise hayb ayaa halkaa ina dhigatay?

Uga tagay shacabka somaliland!

 

Halbowlaha dalkeena maxaa halista galiyey halyey iyo hanraaweba ma isku hiigi ayeynu noqonay?

Markaad u fiirsato haab haabsiga xukuumadda iyo hadal haynta shacabka. Waa hilaac iyo hurin abaarowday hadana mahayno waxaan haakah nidhaahno

Ma hubkaynu qaadana mise haylaheena ayeynu tolonaa?

Halkaynu maanta joogno bulshadeena hagoogi kama saarna hadana lama hayo  hubsi iyo hanaan wax lagu bedelo

 

Ma ihi mucaarad mana ihi muxaafid  laakiin waxaan ahay muwaadin ka murugoonaya halka uu maanta dalkiisu maraayo

Bulshadaydu iyagoo iga aragti dheer. Hadana waxaa jeclaystay inaan  bal hamigayga hogo tusaalayn uga dhigo  waxa maanta dusheena hogonaaya

 

Uma jeedo maqaal ayaan mareeg ku daabacay balse milicsiga aragtiyaha bulshado waa kuwa ugu badan ee wax bedela

Inay baraarugnaa inagay badhaadhaheena tahay hayb iyo hebelbaa. Mudan maaha  wax milgaheena meel marinkara  masaakiinta maantada dayacan. Ee aan meelna wax looga matuulin ayaa markaati ino ah

Anigaan cidna maagayn  shacabku muu mar uun midoobo oo muujiyo macnaha. Doorasha da qof iyo cod

 

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...