Ra'iisul-wasaaraha Itoobiya oo la Shiray Guddida kala Talisa Madax-bannaanaynta Shirkadaha Dawladda
kala talisa sidii shirkadaha dawladda qaarkood oo looga dhigi lahaa shirkado gaar loo leeyahay.
War ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay in Ra’iisul-wasaaruhu xog waran ka dhegaystay Guddidaasi oo uu magacaabay dhawr bilood ka hor, kuwaasi oo iskugu jira aqoonyahanno iyo xeel-dheereyaal kala duwan.
Abiy Axmed ayaa sheegay in qorshaha isdhexgalka dhaqaalaha qaaradda Afrika ee uu horseedka ka yahay uu fursad u yahay hindisaha dalkiisu ku raadinayo maalgashiga shisheeye.
Xukuumadda Ra’iisul-wasaare Abiy Axmed ayaa bilowday siyaasad furfuran oo ay ku soo jiidanayso maalgashadeyaasha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah, waxaanay doonaysaa in shirkadaha dawladda Itoobiya qaarkood laga dhigo shirkado ay maalgashadaan ganacsato madax-bannaani, waxaana ka mid ah shirkadaha laga dhigayo qaar gaar loo leeyahay Shirkadaha Isgaadhsiinta iyo Tamarta.
Hadhwanaagnews


0 





