Boqor Buurmadow Oo Beeniyey Hadal Ka Soo Yeedhay Muuse Biixi Oo Ku Saabsanaa Xaalada Caafimaad Ee Axmed Siilaanyo
Hargeysa(HWN):-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow oo ka mid ah madax dhaqameedka beelaha bariga Burco ayaa kulan la qaatay madaxweynihii hore ee somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Boqor Buurmadow ayaa kulanka uu la qaatay madaxweynihii hore ee somaliland waxa uu jawaab kaga bixinayey hadal ka soo yeedhay Muuse Biixi oo sheegayey in Axmed Siilaanyo uu caalad caafimaad darteed uga soo qayb gali kari waayey shirweynaha xisbiga Kulmiye.
Boqor Buurmadow ayaa fariin uu ku baahiyey bogiisa Facebook waxa uu kaga hadlay kulanka uu la qaatay madaxweynihii hore ee somaliland isaga oo carabkana ku dhuftay shirweynaha xisbiga Kulmiye uga socda magaalada Hargeysa.
Boqor Buurmadow ayaa fariintiisa ku yidhi "Waar ha karaamo seegina habaar lagu kari waa, Sawirkaa hadlaya.
Aasaasihii Xisbiga Kulmiye iyo Madaxweynihii hore ee Jamuuriyada Somaliland Ahmed M Silanyo ayaan maanta ku booqday guriga uu ku degen yahay magaalada Abudhabi ee dalka Imaaraadka Carabta.
Ahmed Silanyo ayaa muddo sadex todobaad ah ku joogay fasax nasasho ah dalka UAE, wakhti Shirweynihii Xisbiga Kulmiye maanta ka furmay magaalada Hargeisa.