Qorshaynta Casharka

0
Monday October 05, 2020 - 09:53:36 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2371
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qorshaynta Casharka

    Diyaariye:- Qof Kheyr Jecel.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaariye:- Qof Kheyr Jecel.


waxa la filayaa in macalinka cusubi aanu fikir ka haysan siduu casharka u gudbin lahaa, taasina ay keento inuu isku dhex khaldo qodobda muhiimka u ah cashar diyaarinta, si aanay hadaba taasi u dhicin ayaan qormadan Ku diyaariyay, Qormadan oo ah tallaabooyinka u Qaadi Lahaa Macalinku Markuu Diyaarinayo Casharka, cashar kasta waxa uu leeyahay *hordhac, ujeeddo, Jidmar, layli, gabagabo iyo qiimeyn*. sidaas awgeed waxa waajib ku ah macalinka in uu raaco qodobadan hoos ku qoran.  

     

• marka uu macalinku fasalka galo, ee aanu casharka bilaabin waxa waajib ku ah in uu hubiyo, in ay u dhamaystiran yihiin adeegii uu ku shaqayn lahaa, sida samuurada uu masaxo, qalinka oo diyaar u ah, In uu ardayda  Aamusiiyo, intaanu Bilaabin Casharka.   

 

HORDHAC  

Hordhacu waa ku baraarujinta ardayda casharka, waxaa aad ardayda waydiineysaa su,aalo gaagaaban, oo u sii gogol xaadha casharka.  

tusaale:- hadii aad dhigaysid cashar ka hadlaya qoyska, waxaad hordhaca ka dhigi kartaa  

waa kuma masuulka koowaad ee qoysku?  

qoyska yaa ugu weyn?  

sheeg ahmiyada uu waalidku u leeyahay qoyska?  

su,aalahaas iyo qaar kale oo la xidhiidha arinta uu casharku ku saabsan yahay waydii, si ardaygu u soo jeedsado.  

 

UJEEDDADA  

cashar kasta oo la dhigaa waa inuu ujeeddo gaar ah leeyahay, ujeeddadiisana la gaadhaa, si aad taas u gaadhid;  

• waa inaad maskaxda ku haysaa waxaad rabtid inaad ardayga bartid.  

• ku eekoow casharka, hana ka bixin nuxurka casharka.  

• bixi tusaalyaal uu ardaygu ku fahmo casharka.  

 

JIDMAR  

waa habka socodsiinta casharka;  

~ bilawga casharka  

~ qodob qodob u sharax casharka.  

~ meelaha ardaydu ku adag aad ugu qeex  

~ ku isticmaal sharaxaaga qalabka waxbarashoee ee casharku ka kooban yahay.  

~ si guud u sharax casharka, ujeeddadana si qoto dheer u gaadh.  

 

GABOGABO  

waa dhammaystirka casharka.  

1. dul mar casharka ( ahmiyada saar qaybaha ugu adag)  

2. dareen sii ardayga in casharku dhamaaday waxaa ardayga loo diraa shaqo ay guriga ku soo qabtaan.  

 

LAYLIGA  

si aad U Ogaatid in ay Ardaydu Fahmeen Casharka, U dir Laylis Ay kaga Shaqeeyaan Fasalka, ama Layli ay Guriga kaga soo Shaqeeyaan.   

 

   

Diyaariye:-   

Qof Kheyr Jecel.  



[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...