Waa Keene Iyo Kordhiye.

0
Monday October 05, 2020 - 09:41:33 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 928
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Waa Keene Iyo Kordhiye.

    Mahadna (ALLAA iskale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mahadna (ALLAA iskale



KEENE .  waaryaa  kordhiye saaxiib  anigu  waan yaabanay    Waxan  dadkii daciifka  ka  dhigay ayaan  yaabanay .   Waxaad arkaysaa  marka  xummaan fara  badan  la galo    Ee  la arko  inay  bulshadu ka  cayso  ayaa lasoo dirayaa  qaar    Barakaysan oo  TV  ga lasoo tubayo .

 

Waxa  ay  cuskana yaan  meel  ay isleeyiin  dadka  qiiro geliya    Oo odhanaysa  dalkan iyo  dadkani  waxay soo  mareen  waa ogtiin    Waxaanay  is wey  diin  waxan ay  sheegayaan  maxay ahaayeen    Hadday  daacad ka  tahay  inay garana  yaan  wixii la  soo  maray    May difaaceen  xumaantan  ka daran  wixii  hore ee  laga  dagaalamay.   markaa  qaarna jaahilnimo  ayaa  haysa qaarna  munaafaq-nimo    Qaar hunguri (ALLAAHUMMA NAJINAA MIN-HUM )  


KORDHIYE . saaxiib  waa  sidaa aad  u sheegta  ye waa  muduci  isku    Markhaati  fura-ya  markaa qaarbaad  is  odhanaysaa gacant  mawla    Tagtaa rakhiisnimada  ay  u hadlayaan .

 

Waxay odhanayaan  dalkan  dhiigbaa u  daatay  haddana wixii     Aa wadii dhiigu  udaatay ayuu  ku  maslaxayaa inay  oggolaadaan.  

 

Immikana  waa  afartii .  

Xaaraami  kii  sii kaluu  

U xagliyaa  gore  

Xishood  male  dameer-kii dhergaa  

Neefta  xara  keeye  

Xasad  iyo  nacaybbaa fadhiya  

Xaaluf  daaq  yada,e  

Xashiish  iyo  aboor bayna  helay  

Xiiran  garashoode  

.  

Xagatada  is biirsaday  wanaag  

Kaba  xijaab  naaye  

Xiid  iyo  dawaco waalan  iyo  

Xoor  ayays  helaye  

Xaan  falay  ha qaadee  dar  badan  

Ooy  xantuba  jiifto  

Xabaaluhu  inay  diidi-bay  

Xulatay  saadaali  

.  

Xarakadiyo  hiilkii  la galay  

Aad  xor  ku ahaatay  

Xabbad  cadaw  intay qaadatee  

Geesi  ku  xarooday  

Xaddi  malaha  qarankani intuu  

Bedey  xisaab  teede  

Fulay-geeni  xayn  hooya galay  

Xadhigna  kuu  giijin  

Xaawaleeda  daba  roorayaa  

Manta  xaadirahe  

.  

Isagaa  xunbada  tuura-yiyo  

Heedhe  xoog  badane  

Xakamay  u wada  baahan-yiin  

Saara  xeer  qarane  

Xirfad  iyo  intii aan  wax  baran  

Caydhu  xayanayso  

Xoola  moogtibaa  lagu fasaxay  

Golihi  xaadh  naaye  

Xaabsatiyo  dugaag  aan hanbayn  

Yaa  xidhkaw  galaye  

.  

Degdeggaa  in  loo xaadhabaa  

Xeer  ku  dhiga yaaye  

Xejistay  isugu  baaqayaan  

Xaar  walwaaladu-ye  

Xurmo  malaha  ee inaga  dira  

Xaaba  dhoos  ururtay  

 

Mahadna  (ALLAA iskale

 [email protected]

guuleed liibaan  snm [email protected]

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...