" La Soco Aduunka , Soomaaliya Waa Ruwayaad ''.

0
Monday October 05, 2020 - 08:09:36 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 916
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    " La Soco Aduunka , Soomaaliya Waa Ruwayaad ''.

    "Madaxwaynaha Soomaaliya wuxuu safar ku tegey wiigan koonfurta Soodaan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Madaxwaynaha Soomaaliya wuxuu safar ku tegey wiigan koonfurta Soodaan"

Aduunyadda xiligan waxaa ka jirra xanuunka saf-marka ah ee Covid-19 oo mar labaad soo laba kacleeyey , waxaa weheliya dhaqaale xumo baahsan oo ka dhalatay xanuunkan iyo duruufo siyaasadeed oo is kaashadey , sidaa darteed dawladaha mid waliba gaarkeedda ayay u hawlaysan tahay , booqashadda madaxda iyo safaraddu ma badna , shirarka badankoodana imika telefoonadda ayaa laggu dhamaystaa .



Sidaas oo tahay , Soomaaliya  waxaa u weheliya , burburka mudada dheer uu burbursanaa , nabadgelyo la'aanta amnigiisaba ay gacanta ku hayaan ciidamo shisheeyo oo  duunku bixiyo kharashkoodda , doorashooyinka soo dhaw ee aan waxba ka hadhsanayn iyo dhicista xukuumadii Raysal wasaare khayre oo aan weli lasoo dhisin xukuumadii badali lahayd , marka lagga reebo raysal wasaaraha cusub oo la ansiyey hassa yeeshee aan weli soo dhisin xukuumad cusub .


Intaas oo dhan oo jirta , Madaxwaynaha Soomaaliya wuxuu safar ku  tegey wiigan koonfurta Soodaan isagoo sheegey in uu markhaati ka noqonayo xabad joojinta dawlada koonfurta soodaan iyo jabhadaha kasoo horjeedda , hadana wuxuu safar ugu baxay wadanka Ereteriya oo uu sheegey in uu kala soo hadlayo koritaanka xidhiidhka labada wadan u dhaxeeya waa sida hadalka loo dhigaye.


Iyadoo Madaxwaynihi maqan yahay , waxaa isna wadanka ka baxay Raysal wasaarihii cusbaa oo sheegey isna in uu soo tacsiyeynayo wadanka kuwayd oo uu dhawaan geeriyooday sheekhii wadankaa xukumi jirey .


Si kastaba ha ahaatee , aduunyadda miyirka qabta , madaxwaynaha iyo raysal wasaaruhu isku mar wadanka kama baxaan , soomaaliya oo xaalkeedda la ogyahayna caawa madaxwaynihii iyo raysal wasaarihiiba wadanka waaka maqan yihiin , xukuumadii dhacdayna badalkeedii lama soo dhisin ,Soomaaliya waa ruwaayad .



 

W/Q: Ahmed Nour Guruje


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...