Orodyahan Reer Itoobiya Oo Guul Lama Filaan Ah Ka Soo Hoyay London Marathon
Orodyahanka u dhashay dalka Kenya Eliud Kipchok oo afar jeer oo hore ku guuleystay Orodka Marathon waxaa si lama filaan ah uga badiyey oradyahan reer Itoobiya oo lagu magacaabo Shuura Qitaataa.
Tartanka orodka Marathone ee ka dhacay magaalada London waxaa la filayay inuu ku guuleysan doono Orodyahanka u dhashay dalka Kenya Eliud Kipchok oo afar jeer oo hore ku guuleystay tartankaasi.
Kaalinta koobaad waxaa London Marathon ka galay Orodyahanka reer Itoobiya Shuura Qitaata, halka kaalinta labaadna uu galay Orodyahanka u dhashay dalka Kenya Eliud Kipchok.
Qitaataa oo guusha hantay wuxuu ku orday 2:04:41.
Tartanka orodka Marathon-ka gabdhahana waxaa ku guuleysatay orodyahan Brigid Kosgei oo u dhalatay dalka Kenya isla-markaana difaacatay rekoorradi guusha ee ay horay u dhigtay.
"Aad ayaan u murugeysanahay, waxa dhacay ma garan karo" ayuu yiri Kipchok tartanka marka uu soo dhammaaday.
"15 km ee ugu dambeeyey dhagta midig waxba kama maqleyn. Jilbaha iyo bowdooyinkana xanuun ayaan ka dareemayey" ayuu yiri Kibchok.
"Waa wax aan si lama filaan ah ula kulmay. tartanka si qurux badan ayaan ku billaabay. Hawada aad ayey u qaboobeyd balse taa sabab kama dhigan karo" ayuu yiri.
Orodyahanka kale ee reer Itoobiya Kananisa Baqele ayaa tartanka isaga haray kaddib marki uu xanuun la soo dersaday, ayaa keentay in la yirahdo guushu waxay raaceysaa orodyahanka reer Kenya ee 33 jirka ah Kipchok.
Orodyahanka tartanka ku guuleystay Shuuraa Qitaata wuxuu xeelad cusub uu la yimid orodka marka uu marayo daqiiqadda 15-aad, taasoo Kipchok ku abuurtay dagganaasho la'aan.
Ugu dambeyntina tartanka waxaa kaalinta Koobaad ka galay Shuuraa, Kaalinta Labaad Kipchok iyo Kaalinta seddexaad oo uu galay orodyahanka kale ee reer Itoobiya Sisay Lemmaa.
"Tartankan si aad ah ayaan isugu soo diyaariyey. Qananiisaana aad buu ii caawiyey. Aad baan ugu faraxsanahay inaan guuleysto" ayuu yiri Qitaataa oo 24 jir ah.
Orodyahanka reer Britain Mo Farax oo afar jeer ku guuleystay tartanka Olombika wuxuu sheegay inuu natiijada uu la yaabay.
"Naxdin bey nagu ahayd dhammaanteen, waxaan fileynaya intaasoo mile inuu ku guuleysan doono inaga oo tixgelinayno wakhtiga uu ku orday." ayuu yiri Farax oo BBC u warramay.
"Balse wuxuu ahaa tartan fiican. Tartannada ayey qayb ka ahayd. Waana qayb ka mid ah ciyaaraha, weyna dhacdaa" ayuu yiri.
BBC