'' La Soco Aduunka, Diyaar Garow Baa Socda ''.

0
Sunday October 04, 2020 - 19:28:38 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1102
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    '' La Soco Aduunka, Diyaar Garow Baa Socda ''.

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje

Wadanka faransiiska ayaa kordhiyey miisaaniyadiisa dhinac gaashaandhigga 4.5% , korodhkaas oo laggu darey miisaaniyadda wadanka oo la ansixiyey 28-September ee sanadkan 2020 .

 

Korodhkan 4.5% ayaa noqonaya 50 Bilyan oo Yuuro oo u dhiganta 59 Bilyan oo doolar , taasoo macnaheeddu yahay in miisaaniyadii Gaashaandhigga ee faransiiska ee 3 sanno ka hor 2017 la kordhiiyey 22% , taasoo muujinaysa jahadda aduunku u socdo .

 

Lacagtan ayaa u kala shaxaysan 22.5 Bilyan oo qalabayn ah , 12.5 Bilyan oo mushahaaro ah , 9 Bilyan oo hawl-gab ah iyo 5 Bilyan oo ah kharashka hawl-galadda .

 

Qalabaynta cusub ee ciidamadda faransiiska loo samaynayo ayaa waxa ugu horeeya 30 diyaaradood oo ah kuwa qumaatigga u kaca

 

 ( Hilicobtors) ee la yidhaahdo H160M ,  kuwaasoo loo qorsheeyey 21 ciidamadda dhulka ah , 8 ciidamada badda ah iyo hal helikobtar oo ciidanka cirka laggu xoojiyo .

 

Waxa kale oo qalabayntan ku jirra 120 baabuur oo gaashaaman oo noocuudu yahay VBL kuwaasoo ah baabuurta adeegasta tegnoolajiyadda casriga ah ee falaadhaha laysarka , 45 markab oo ah nooca waawayn ee looyaqaano Fregrites ,120 kun oo ah qoryaha darandooriga u dhaca oo casri ah iyo waliba diyaaradaha casriga ah ee dagaalka oo ay wada samaysanayaan wadamada Spain , Jermany iyo France .

 

Dhinaca kale , wadanka Masar ayaa ka dalbaday Talyaanigga laba markab oo waawayn oo ah nooca loo yaqaano Frigrates , kuwaasoo uu ku xoojinayso cududeeda ciidanka badda .

 

Si kastaba ha ahaatee , wararka ugu badan ee aduunka ka socdaa waa wararka ku saabsan soo saarista hubka cusub , heshiisyadda hubka iyo tartanka hubka, aduunyaddana waxaa ka socda diyaar garow balaadhan oo lagaga gaashaamanayo dagaalka qabow ee socda , xaajaduna waxay maraysaa , Ninba taagtii ha talaabsaddo .


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...