Akhriso Magacyada Qaar Ka Mid Ah Shaqaalaha Dawlada Oo Ka Qayb Galay Shirka Afduuban Ee Kulmiye

0
Sunday October 04, 2020 - 16:43:10 in News by
  • Visits: 3398
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso Magacyada Qaar Ka Mid Ah Shaqaalaha Dawlada Oo Ka Qayb Galay Shirka Afduuban Ee Kulmiye

    Akhriso Magacyada Qaar Ka Mid Ah Shaqaalaha Dawlada Oo Ka Qayb Galay Shirka Afduuban Ee Kulmiye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Akhriso Magacyada Qaar Ka Mid Ah Shaqaalaha Dawlada Oo Ka Qayb Galay Shirka Afduuban Ee Kulmiye


Hargeysa(HWN):-Shirweynaha 4aad ee xisbiga Kulmiye oo maanta ka furmay magaalada Hargeysa ayey camireen inta badan shaqaale ka tirsan kuwa xukuumada Muuse Biixi.





Qaar ka mid ah shaqaalaha ka hawl gala hay’adaha kala duwan ee dawlada iyo waaxda garsoorka ayey kamaraduhu qabteen iyaga oo dhex fadhiya shirweynaha afaraad ee xisbiga Kulmiye.


Maxamed Cali Xasan Carwo oo ka mid ah garsoorayaasha maxkamada gobol/degmo ee gabiley ayaa ka mid ahaa shaqaalaha waaxda garsoorka ee ka qayb galay shirweynaha kulmiye.



Maxamed Ismaaciil Ciise(Wali) oo ka tirsan hawl wadeenada wasaarada qorshaynta somaliland ayaa sidoo kale lagu dhex arkay shirweynaha Kulmiye kaas oo sharcigu u diiday inuu shirarka siyaasada tago.



Sidoo kale Cabdifataax Shawr Cilmi oo ka mid ah hawl wadeenada hay’adda wadooyinka ayaa ka mid ahaa shaqaalaha ka qayb galay shirweynaha xisbiga Kulmiye.



Maxamed Jaamac Xasan oo ka mid ah hawl wadeenada wasaarada caafimaadka ayaa isaguna ka mid ahaa shaqaalaha ka qayb galay shirweynaha 4aad ee xisbiga Kulmiye.



Sidoo kale abwaan laabsaalax oo ka mid ah hal abuurada dadka qabyaalada ka wacyi geliya ayaa lagu dhex arkay shirka Kulmiye kaas oo ay dadweynuhu ku xidhiidhiyeen inuu hab qabyaalad ah kaga qayb galay shirka.

Image may contain: 1 person, standing

sidoo kale agaasimaha gaadiidka madaxtooyada Abshir ayaa ka mid ahaa shaqaalaha dawlada ee ka qayb galay shirweynaha xisbiga Kulmiye



Loading...
Loading...