Dooda wadaadka iyo dhalinta ka so horjeeda...W/Q Muuse Xaaji Cabaydh

0
Sunday October 04, 2020 - 15:11:01 in Articles by
  • Visits: 1327
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dooda wadaadka iyo dhalinta ka so horjeeda...W/Q Muuse Xaaji Cabaydh

    Dooda wadaadka iyo dhalinta ka so horjeeda...W/Q Muuse Xaaji Cabaydh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dooda wadaadka iyo dhalinta ka so horjeeda...W/Q Muuse Xaaji Cabaydh


Image may contain: 1 person

Dooda wadaadka iyo dhalinta ka so horjeeda.

علوم السياسه وعلاقة ذوله.


waa maadadii aan Jaamacada ka diyaariyay.

Waxaan si khaas ah u darsay curinta Afkaarta , iyo Diimuhu sida ay dadka u saameeyaan.

Dooda in badan Social media ka socotay ee dad badan Wadaada ay ku dhaliilaan , ayaan jeclaystay in aan qodob ka dhaho.

Diin markaad maqashid maxaa kugu so dhaca?.
Diintu waa Hagis umadeed, taas ayaa keenta in hogaamiyaasha siyaasadu ay raadiyaan dariiq ay umada ku kasbanayaan iyaga oo mansabkooda ka hormarinaya xaqiiqada, waxa laga dhaxlaa arimahaas in la soo saaro Wadaado u xaglinaya waxa madaxdoodu rabto.

Wadaad markaad maqashid maxaa kugu so dhaca?.

Si jawaabtan loo helo waa in si wada jir ah loo wada darsaa dhaqanka umad lahayd iyo diinta, Wadaadka Soomaaliyeed heer inte gaadhsiisan ayuu ka jawaabi karaa masalooyinka Mutushaaabiha ah, ee doodahan ku fadhiyaan, ma leeyahay awood baadhis xeel dheer oo arinkaa si aqoonaysan oo maangal ah uga darso.

Si aynu su, aasha danbe jawaab ugu helno, waa in aynu ogaana Wadaadka waxa abuura, waa dhaqanka umad ay leedahay taas oo u jeclaysto in uu wax ka badalo, waxa abuura Sabanka ama xili aqoontu tahay arin layskugu faano, waxa abuura Nidaamka Siyaasiga ah, waxa abuura socio economic umadaas oo hoos u dhac ku yimaado, taasna ay keento in lagu shaqaysto.

Wadaaadka maxaa abuura waa Mawduuc wayn , oo mid walba u baahan in gaar wax looga qoro.

Adiga Maxaa kula gudboon?..

Diintu wa Hagis sax ah, cidna gaar uma leh, adigu waa inaad raadisaa Xaqa maxaa run ah.see u raadinay , Ilaahay ayaa leh .Kuwa u soo dadaala xagayaga waxaan ku toosin doona jidkayaga.

Adigu cid ha nicin cidna ha jeclaan, qofba inta aad ka fahantid ka qaado , toosintana Ilaahay u daa.iska dhaaf dooda ah yaa saxan iyo ya qaldan.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...