Gudoomiye Cirro Oo Faah Faahiyey Kulan Uu La Qaatay Wefti Sare Oo Ka Socda Dalka Sweden Iyo Qodobada Ay Ka Wada Hadleen

0
Sunday October 04, 2020 - 14:52:18 in News by
  • Visits: 1653
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye Cirro Oo Faah Faahiyey Kulan Uu La Qaatay Wefti Sare Oo Ka Socda Dalka Sweden Iyo Qodobada Ay Ka Wada Hadleen

    Gudoomiye Cirro Oo Faah Faahiyey Kulan Uu La Qaatay Wefti Sare Oo Ka Socda Dalka Sweden Iyo Qodobada Ay Ka Wada Hadleen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiye Cirro Oo Faah Faahiyey Kulan Uu La Qaatay Wefti Sare Oo Ka Socda Dalka Sweden Iyo Qodobada Ay Ka Wada Hadleen

Hargeysa(HWN):-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro) ayaa faah faahin ka bixiyey kulan uu la qaatay masuuliyiin ka tirsan wasaarada arimaha dibada dalka Sweden.

Gudoomiye Cirro ayaa fariin uu ku baahiyey bartiisa Facebook waxa uu sheegay in weftiga Sweden ay ka wada hadleen kaalinta dalkoodu kaga jiro doorashooyinka somaliland ee wakiilada iyo deegaanada oo la rajaynayo inay dalka ka dhacaan hortaanta sanadka soo socda.

Gudoomiye Cirro oo faah faahinaya kulanka uu la qaatay weftiga ka socda dalka Sweden ayaa waxa uu yidhi "Waxa aan maanta kulan la qaatay madax ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda ee Sweden oo aanu ka wada hadalnay kaalinta ay dawladda Sweden ka qaadaneyso doorashada isku sidkan ee Golaha Wakiilada & Golayaasha Deegaanka ee Somaliland ee dhacaya 2021ka, bisha May.

Gudoomiye Cirro waxa kale oo uu sheegay in weftiga Sweden ay ka wada hadleen sidii dumarka iyo dadka laga tirada badan yahay ay uga qayb gali lahaayeen doorashooyinka "Sida oo kale waxa aanu si qoto dheer uga sheekaysannay hannaanka ka qeybgelinta haweenka iyo Beelaha Gabooye ee doorashada.

Image may contain: 2 people, people standing and suit
Image may contain: 3 people, people standing and suit

Loading...
Loading...