Yaa Beenta Loo Sheegayaa? Jawaab-Celin Maaqaalka 'Soddon Jirkii Ugusaameynta Badnaa Siyaasada Soomaaliland'

0
Sunday October 04, 2020 - 12:07:28 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1026
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa Beenta Loo Sheegayaa? Jawaab-Celin Maaqaalka 'Soddon Jirkii Ugusaameynta Badnaa Siyaasada Soomaaliland'

    Anna maan gufaacada ridoon Gaydha dib u reebo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Anna maan gufaacada ridoon Gaydha dib u reebo.


Yaa beenta loo sheegayaa? Jawaab-celin Maaqaalka 'Soddon jirkii ugu saameynta badnaa siyaasada Soomaaliland'



 Waxaan akhriyey qormo ku daabbacan Mareegta Burcoonline oo ciwaankiisu yahay 'Soddon jirkii ugu saameynta badnaa siyaasada Soomaaliland' oo lagu ammaanayo siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi. Dabeeto waxaan isweydiiyey cidda beenta loo sheegayaa waa ayo tolow?


 Horta se afeef: ugu horreyn anigu cidna ma difaacayo. Siyaasi Xaashina shakhsiyan weerar kuma ihi. Ha yeeshee waxaan jeclaystay anigoo aan ku dheeraan inaan jaallahayga maaqaalka qoray u yara caqli-celiyo waayo xaqiiqda ayuu baalmarsanyey, oo laf cad buu toobin ku hayaa.


Nin ragga baqaskii waa ceebe, horreysaba waxaan qirayaa inuu ammaantaas maaqaalka ku xusan wax ka leeyahay Maxamuud, yahayna aftahan, gole-joog leh, oo weliba shakhsiyad macaan. Ha yeeshee halka sartu ka qudhuntay waxa weeye, Maxamuud fal-curiye maahee (Proactive), waa fal-celiye (reactive). Maxaan sidaas u leeyahay? Jawaabtu waxay tahay, sida qormadaba ku xusan Maxamuud biyo-culusta ayuu ka ciidaminayey xukuumaddii hore ee muxuu u tarmiyey deegaannada uu codka ka helo, ee uu haatanna doonayo inuu mar kale xoqdo si uu dantiisa gaarka ah ugu gaadho? Wasiirkii duulista ayuu ahaa ee muxuu ka qabtay Burco airport? Wuxuu ka qabtaa haba joogtee waar xitaa xil ma iska saaray?


 Miyaanu ahayn markaas nimaan hiil mudnayn oo aan xal iyo xeelad toona hayn. Xal ma laha oo waakaas markuu midida daabkeeda hayey aan waxba biirin. Xeelladna ma hayo oo  waakaas  ninkii uu dhisay cidlada kaga tagay, ee halkuu abaalka ka eegayey, magac-dilka lagu sameeyey. Bal hadda qabsoo deriskiina isa seege, doolaaladii dheerayd ee uu ku tagay daan Galbeedna kamuu aflaxin oo iyagaaba ugu daran. Iminkana kii iilka dhigay ayuu ergoonaya!


Waxaad tidhi Cigaal iyo Muuse Biixi tol ayey leeyihiin ee Xaashi tol ma yeelan doonaa? Waxaase laakiin isweydiin leh tolow sidee ayey tol ku yeesheen? Jawaabta meel fog ha ka eegin, oo sidaad adba dacal-dhabtay. Cigaal wuxuu ahaa ninka sidan u qaabeeyey Somaliland ee sida doqon-magaratada ah u yagyeelay nidaamka deegaanka keliya u  adeegaya. Sida uu tolka ku yeeshayna waa sidaas; illeyn dhaxal wanaagsan buu uga tagay xigaalkiiyee!


Maantana, Muuse Biixi nidaamkaas (system) ayuun buu raacay oo waxba kamuu baddelin. Oo muxuu uga beddeli, Siilaanyo ba ku-dhac muu yeelin uu ku  baddalee?


Haddii cid uun bogaadin iyo taageero mudan tahay, waxaa mudan ninka dad ka hor yidhi, waar ka daaya reerka guricas haku furinee! Ninkaas ayaa hoggaamiye dhab ah, ninkaas ayaa aragti dheer leh, ninkaas ayaa sifooyinka hoggaanimadu ka muuqataa. Ninkaas ayaa godka uu dagay dani ugu jirtaa Daan bari. Ninkaan ka hadlayaa waa: Xirsi Cali X Xassan. Hadda qasdigaygu maaha inaan labadaas siyaasi ee saaxiibbada ah isku liso laakiin runta biyo-kama dhibcaanka ah ayaa taas ah.


Waxaan leeyahay haddaba jaallahayga qormada qoray, nimaam kuu furayn yaanu kuu rarin. Haddii kale adiga iyo Maatada beenta loo sheegayaaba haluulaha ku jira haabiil la'aantiina!

Cabdirisaaq Baynax
Uk

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...