Maxamud Xaashi Ma Maxamed Kaahin Buu Is Leeyahay Waad Babar Dhigankartaa?

0
Sunday October 04, 2020 - 11:52:22 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1125
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxamud Xaashi Ma Maxamed Kaahin Buu Is Leeyahay Waad Babar Dhigankartaa?

    Bender Caasi Baa Loogu Go'ay Ina Bidaaroow.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bender Caasi Baa Loogu Go'ay Ina Bidaaroow.

BISMILAAHI ARAXMAANI RAXIIM

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan shacabka somaliland gudo iyo dibadba, mar labaadka hadii aan u soo gunda dago ujeedada maqaalkayga waxaan doonayaa inaan shacabka somaliland u iftiimiyo waxyaalo maalmahan ay ka hadlayeen ciyaal yaryar iyo qaar qarankan ka doonaya nmaamuus iyo sharaf hadana qof kale meel kaga dhacaya maamuuskiisii iyo sharaftiisii.



Hadaba Maxamud xaashi wuxuu ilaaway wax badan oo uu media ha kalahaa in uu xaq u leeyahay iyo in kale waxaana ka mida oo uu ilaaway.


A- Maxamed kaahin in uu yahay nin badheehdihiisa cadaysta wuxuu diidan yahayna uu badheedhihiisa ka dhiibta.


B- In Maxamud xashi ilaaway in siyaanaha iyo kayuugaba laga leeyahay, bahashuna haday tahay reer hebel ku fuul adeer isaaqba markaa ma laha haday tahay sidaad u dhigtay.


C- Wuxuu ilaaway in kulmiye xisbi siyaasadeed yahay oo cida loo gartaa ay meesha timaato iyadoo lagu qiimaynayo hadba cida ugu leh siyaanaha ama ugu ruug cadaasan ee aanay ahay meeshu aroos.


D- Wuxuu ilaaway ragani inay yihiin ragii halganka, dadkuna waxay lahaayeen maxamuud barigii snm ta wuu soo galay oo cadceed buu cafis waydiistay xaqiiqduse mooyi maxamuud xaashi ha la waydiiyo.


E-Wuxuu ilaaway inay ahaayeen ragii xisbiga laftiisa la soo kifaaxay ee u sabray markii uu isagu wasiirka ka ahaa todobada sano ( SEVEN YEARS ).


Hadaba waxaan u malaynayaa maxamuud xaashi intuu riyooday ayuu kulmiye hab siyaasadeedkiisii ilaaway oo isgoo madaxweyne ah ama gudoomiyihii xisbiga soo toosay, markaasuu saxaafadii u yeedhay oo yidhi meeshuba waa aroos maxamed kaahina waa madxiis, waxan u malaynayaa maxamuudow dadka maanta inaadan barayn maxamed kaahin ee lagaaga aqoon badan yahay isaaq daayoo ay macaa beelaha kale kaaga aqoon badan yihiin.


Hadaba waxaan ku soo gabagabynayaa ( Nin Baa La Yidhi Horta Hebelow Maxaad Isula Sheekaysataa Markaasuu Yidhi Dadkuba Wuu Isla Sheekaystaaye Tayduun Baan Sare U Qaadaa ) Iminka Dadkuba Hanbuu Wada Leeyahee Hadana Wax Bay Xeeriyaan

Aniguba Han Waan Leeyahay Oo Waan Ku Riyoodaa Anigoo Madaxweyne Ahe Laakiin Saxaafadaanan Waxbaan Xeeriyaa, Kulmiyena Ma Moodo Xaflad Aroos.

Ninkii U Hanweyn Hogaanka Dalkow Hankaagu Ha Dhaafo Hayaay Ka Kacaay Bilaa Haada.


Illaah Baa Mahad Dhamaanteed Iska Leh.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...