Shirka Kulmiye Saar La Ogyahay Ayuu Sii Tumayaa.

0
Sunday October 04, 2020 - 09:18:12 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1074
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka Kulmiye Saar La Ogyahay Ayuu Sii Tumayaa.

    W/Q: Nuuradiin Diini

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Nuuradiin Diini

Saaka waxa hargaysa ka furmaaya Shirweynihii Afaraad ee xisbiga Kulmiye, kaasi oo wax kasta oo ka soo baxaaya la sii garanaayo ama la og yahay.

 

   Intabada talaabooyinkii diyaar garowga shirku waxa ay ahaayeen kuwo aan sinaba laysu odhan karin Xisbiga Kulmiye waa Dimuquraadi, dhexdiisana tartan yaalo,  (se waligiiba laguma tartamin) kaliya waxa loo aasaasay sidii lagu gaadhi lahaa Muaamulka ugu sareeya ee dalka waana lagu gaadhay.

 

Xisbi dhismihiisu ku salaysan yahay Doonis shaqsi ah iyo nidaam u eek kuu shuuciyada lagama yaabo in uu dhiso nidaam xukuumiya oo dimuquraadiya dadkuna mahadiyo.



Marka la qabanaayo shirweynaha Xisbiga Hanti Wadaaga kacaanka Umadda Somaliyeed waxa uu ahaa mid wax kasta gacanta loo taago oo aanay dhexdiisa cidiba wax iska weydiin aakhirkana wuxuu ku soo xidhmi jiray sida laynoo sheegay khudbada Siyaad Bare oo inta uu ka soo kaco kursi meel halkeerayaala ayuu xitaa yeedhin jiray 72ka xubnood ee gudida fulinta shirkuna sidaasu ku xidhmi jiray.


Tanina waaba Tabtii. Maantana waxaaba la soo magacaabayaa Xooghayihii guud miyaanay yeedhin uun ahayn.

Heesaha saaka halkaa laga qaadayaana waa " Cimrigii jiryow caynaanka ahay waligaaba hay" iyo qaar la haada oo u eeg.


     *MAXAA KA SOO BIXI KARA?

  1 Waxa kaliya ee aynu sugnaa waa gacantaagista Ergooyinka oo gacanta u taaga Dastuurkii Xisbiga oo aan wax buuran laga badelin Qodobadii Xooghayaha guud ka hadlaayay mooyee,


   2 waxa aynu sugnaa waa Shantii xubnood ee hore hoggaanka u ahaa oo mid kaliyi is badlay kaana banaanka lagu sii doortay in ay ergadu gacanta u taagto waa "Wasiir Saajine"


  3 Waxa aynu sugnaa waa Xooghayihii guud ee la soo dooran jiray oo madax weynuhu magacaabaayo. "Aar muxuu siibdhintay xisbigii Kulmiye"


Waxa kaliya ee Su'aali ka taagan tahay waxa weeyi majirtaa siyaasad  qarsoon oo fajociso ah dadkana xiiso galisa in Xisbigu ku dhaqaaqo oo Gudoomiyaha Xisbiga loo doorto Maxamed Kaahin? Ma kula tahay adiga? Weydhici kartaaye?


Isku soo wada duuboo inta nidaamka Asxaabta Siyaasadu sidan yihiin oo awoodii iyo Maamulkii Xisbiyadu shaqsiyaad gacanta ugu jiraan oo ay yihiin Madalo lagu dan gaadho suura gal inooma ah in ay inoo dhisanto Xukuumad si dhaba Shacabka u matesha.


W/Q: Nuuradiin Diini


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...