Kulmiye Waa Kulmiye. ...!

0
Sunday October 04, 2020 - 08:57:37 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 796
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulmiye Waa Kulmiye. ...!

    W/Q: Maxamed Aadan Gacayte.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Maxamed Aadan Gacayte.

Shirweynaha 4-aad Ee Xisbiga KULMIYE, oo barri si rasmiya uga furmi doona Hotel Maansoor ee Caasimada Hargeysa, iyado ay ka qaybgalayaan 1,100 Ergay oo ka kala yimid gobolada iyo degmooyinka Dalka JSL.



Shirweynaha Heer Qaran ee xisbigu waa hay’adda ugu sareysa ee xisbiga, waxana ku kulma ergooyinka ka socda gobolada dalka iyo dibediisa. Shirweynaha xisbiga waxa la qabtaa shantii sannadoodba hal mar sida uu dhigayo Dastuurka Xisbiga iyo Xeer lam.14.


Saddex shirweyne ayuu hore u soo qabtay Xisbiga kulmiye, labadii shirweyne ee hore waxa gudoonka xisbiga majaraha u hayay Madaxweynahii hore ee Somaliland, Aasaasahii kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo laba term Gudoomiye loo doortay. Shirweynahii 3aad ayaa si rasmiya Gudoomiye loogu doortay Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Qaranka JSL, Shirweynahan 4aadna u taagan jagada Gudoomiyenimada termkiisa 2aad ee sharcigu siiyay.


Xisbi Xaakimka Kulmiye waa xisbi qangaadh ah oo dimuqraadiya dhexdiisa lagu tartamo, wuxuu kasoo gudbay duruufo iyo loolan adag oo marmarka qaar isu badalay khilaaf gilgilay Xisbiga, balse Kulmiye isku tanaasul iyo isqancin dhexdiisa ah ayuu kaga soo gudbay marxaladahaas adag. Xisbi Xaakumka KULMIYE waa Xisbiga ugu tageerada badan marka la eego gobolada iyo degmooyinka Somaliland doorashadii u danbaysay helay aqlabiyada shacabka 50%+ .


Hadaba qofka geedi-socodka hayaanka siyaasadeed ee xisbiga Kulmiye la jaan-qaadi kari-waayaa, waxa u furan inuu halka uu maraayo kaga dego hayaanka turxaan li’i, balse ma haboona inuu xanaf iyo xag-xagosho la daba ordo hogaanka Xisbiga. Waxan u mahadnaqayaa guddida qabanqaabada shirweynaha oo si hufan oo hawlkarnimo ah hawsha u wada, Ilaahay wxn ka baryayaa inuu si nabadgalyo ah inoogu furmo oo inoogu xidhmo.


Guul iyo Gobonimo

W/Q: Maxamed Aadan Gacayte.

Kaadir ahna Ergay, Xisbiga Midnimda Iyo Horumarka

 KULMIYE.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...