Su'aalo Ka Dhashay Wararka Isburinaya Ee Ku Saabsan Caafimaadka Trump
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump xaaladdiisu "aad ayey u wanaagsan tahay" kaddib markii uu xalay ku baryay isbitaalka halkaas oo lagu dabiibayo kaddib markii laga helay fayraska korona.
Dhakhtarkiisa gaarka ah Sean Conley ayaa sheegay in aanan madaxweynaha lagu xirin qalabka lagu neefsado, 24-kii saacadood ee la soo dhaafayna aanay wax qandha ah qaban.
Dr Conley ayaa aad ugu rajawayn xaaladda madaxweynaha hasayeeshee waxa uu ka gaabsaday inuu sheego waqtiga isbitaalka laga soo saari doono madaxweynaha.
Waxaase soo baxaya warar isburinaya oo ku saabsan walaac laga qaba xaaladda caafimaad ee Trump, xilliga dhab ahaantii la oggaaday inuu qaba cudurka iyo in lagu rakibay mashiinta dadka siisa hawada Oksijiinta iyo in kale
Muddo bil ah kaddib ayuu Mr Trump waxa uu doorashooyinka madaxtinimada ku wajihi doonaa Joe Biden.
Baaritaankiisa cudurka Covid-19 ee uu Jimcihii ku shaaciyay bartiisa Twitter-ka, ayaa waxa ay hakisay ololihiisa sidoo kalana waxaa shaki laga muujiyay iskudaygiisa uu ku doonayo in shaqada lagu siiyo xaakimka cusub ee Maxkamadda dalkaas ugu sarraysa ka hor inta aanan codbixinta loo dareerin.
Isagoo la hadlayay weriyayaasha, ayuu Dr Conley waxa uu gaashaanka u daruuray in madaxweyne lagu xiray qalabka lagu neefsado walow su'aashaas lagu celceliyay. Sidoo kale waxa uu sheegay in kooxdu ay "72 saacadood" ka hor ogaadeen in cudurka laga helay - arrintaas oo haddii la xaqiijiyo - ka dhigaysa in madaxweynaha uu ka qaybgalay xafladda habeenkii Khamiista isagoo og in cudurku uu haleelay.
"Waqtigan la joogo kooxda iyo aniga aad ayeynu u faraxsannahay horumarka uu madaxweynaha sameeyay," ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in calaamadaha sida qufac aan sidaas u cuslayn iyo sanka oo xirma ay "haatan soo hagaagayaan."
Dhakhtar kale, Sean Dooley, ayaa sheegay in Mr Trump uu ku sugan yahay "xaalad aad u wanaagsan" mar ayuuna nagu yiri: "Waxaan dareemayaa inaan meeshan maantaba isaga baxo".
Laakiin qiimeynta dhakhaatiirtaasi
waxaa buriyay mas'uul kale oo ka tirsan Aqalka Cad oo ka warama xaaladda caafimaad
e madaxweynaha. Masuulkaasi oo aan magaciisa sheegin ayaa ku waramay in
astaamaha caafimaad e madaxwenaha ay ''walaac badan" abuureen 24 saac e la
soo dhaafay.

Covid ayaa halis gaar ah u lahaan kara madaxweynaha oo 74 sano jir ah aadna u cayilan. Waxaa ilaa iyo hadda lagu daweeyay dawo tijaabo ah oo loogu talagalay fayriska korona bals e aan wali la ansixinin.
Isagoo ka hadlayay shir
jaraa'id ayuu Dr Conley waxa uu ka gaabsaday inuu xaqiijiyo in madaxweynaha mar
lagu xiray mashiinta hawada iyo in kale inkastoo dhowr jer su'aashaasi la
weydiiyay.
Wax yar ka dib shirkaasi jaraa'id ayaa wargeysa The New York Times waxa u ku warramay in dhakhaatiirta ay madaxweynaha ay ku xireen mashiinta hawada intii uu ku sugnaa Aqalka Cad Jimcihii ka hor inta aysan go'aansanin in loo wareejiyo Walter Reed.
BBC


0 





