Guddoomiye Cirro Oo kulan La Yeeshay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ee Dalka SWEDEN

0
Saturday October 03, 2020 - 18:58:43 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1378
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Cirro Oo kulan La Yeeshay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ee Dalka SWEDEN

    Guddoomiye Cirro Oo kulan La Yeeshay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ee Dalka SWEDEN

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye Cirro Oo kulan La Yeeshay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ee Dalka SWEDEN

Hargeisa(HWN):-Guddoomiyaha mucaaridka ah ee Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa kulan la yeeshay madaxda ugu sarraysa Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Sweden.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro Ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 7da September 2020 magacaabay Xoghaye ku-xigeenka Difaaca & Gaashaandhiga ee Xisbiga WADDANI.


Kulankan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka SWEDEN, waxaannu guddoomiye Cirro kala hadlay taageeradda ay dawladda SWEDEN siiso dalka Somaliland, kuwaasoo ay ka mid yihiin Doorashooyinka, Amniga iyo Dimuqraadiyadda.

"Waxaannu maanta la kulanay Wasaaradda arrimaha dibadda SWEDEN, gaar ahaan waaxda Africa, waxaannu kala hadalnay arrimaha doorashooyinka iyo Dimuqraadiyadda, waxaannu ku war-gelinay in Doorashaddii la qabannaayo Bisha shannaad, waxaannay noo sheegeen inay wararka doorashadda hayaan, gaar ahaan waxaannu kala hadalnay arrinta Miisaaniyadda doorashadda, balse waxay noo sheegeen inay si deg-deg ah jawaab uga soo bixin doonnaan."

"Waxaannu ka wada-hadalnay guud ahaan arrimaha Amniga Somaliland. Waxa kale oo aannu ka wada-hadalnay arrinta Haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay, waxaanan u sheegay in Xisbiyadda qaranka Somaliland ay rabbaan inay fursad siiyaan Haweenka iyo dadka laga tiro badan yahay." Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Loading...
Loading...