Siyaasiyiinta Madasha Oo Dalbanaya In Ururada Siyaasada La Furo Iyo Codsi Ay U Direen Kornayl Biixi

0
Saturday October 03, 2020 - 12:34:34 in News by
  • Visits: 1635
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasiyiinta Madasha Oo Dalbanaya In Ururada Siyaasada La Furo Iyo Codsi Ay U Direen Kornayl Biixi

    Siyaasiyiinta Madasha Oo Dalbanaya In Ururada Siyaasada La Furo Iyo Codsi Ay U Direen Kornayl Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiyiinta Madasha Oo Dalbanaya In Ururada Siyaasada La Furo Iyo Codsi Ay U Direen Kornayl Biixi


Hargeysa(HWN):-Siyaasiyiinta Ku bahoobay Madasha Wadatashiga ayaa u soo jeediyey Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi inuu furo Urruradii Siyaasadda marka la gaadho wakhtigii sharcigu dhigayey in dib loo furo oo ku beegan sannadka 2022-ka.

Image may contain: 3 people, people sitting



Furista Urruradda Siyaasadda oo uu xeerka Ururrada iyo Asxaabtu dhigayo in 10-kii sannoba hal mar la furo, ayaa waxa 10 sanno ka soo bilaabmayeen 2012-kii, iyada oo ku eeg 2020, balse weli ma muuqato ifafaale muujinaya in la furayo Urrurradaasi, madaama oo la qorsheeyey Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada sannadka soo socda ee 2021-ka.


Saddexda Xisbi Qaranka ee Kulmiye, Waddani Iyo UCID, ayaa u muuqda kuwa ka cagi jiidaya oo aan danaynayn furista Urruradda Siyaasadda, taas oo ay u arkaa in ay halis ku tahay jiritaankooda Xisbinimo.

Loading...
Loading...