Fallanqayn Ku Saabsan Saamiga Beelaha Somaliland Laga Siiyey Baarlamaanka Soomaaliya

0
Saturday October 03, 2020 - 11:34:29 in News by
  • Visits: 4566
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fallanqayn Ku Saabsan Saamiga Beelaha Somaliland Laga Siiyey Baarlamaanka Soomaaliya

    Fallanqayn Ku Saabsan Saamiga Ay Beelaha Somaliland Laga Siiyey Baarlamaanka Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fallanqayn Ku Saabsan Saamiga Ay Beelaha Somaliland Laga Siiyey Baarlamaanka Soomaaliya


Hargeysa(HWN):-Beelaha Somaliland oo laga saaray ama aanay ku jirin liiskooda Beelaha Harti ee Gobollada Bari ee dalka dega ayaa waxa inta kale loo qoondeeyey in ay Kuraasta Baarlamanka gaar ahaan Golaha Shacabka ee dalka Soomaaliya ku yeeshaan qoondo dhan 46 Xildhibaan kuwaasi oo tartankooda ama doorashadooda lagu qaban doono Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Xildhibaanada golaha shacabka oo si adag u diiday ajandahoodii kulanka maanta – RADIO KULMIYE:: 88.0 MHZ Mogadishu-Somalia


Warar lagu kalsoonyahay oo laga helayo shirka Muqdisho uga socda madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ee dalkaasi Soomaaliya ayaa sheegaya in isfaham hor dhac ah ay madaxdu ka gaareen asteynta kuraasta xildhibaanada golaha shacabka iyo deegaanada lagu soo dooranayo.


Xogtu waxay sheegeysaa in madaxdu isku raaceen in dowlad goboleed kasta laga asteeyo labo deegaan doorasho oo caasimaduhu ku jiraan.


Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in madaxda ku shirsan Muqdisho uu ka soo baxo war-saxaafadeed rasmi ah, balse xogo hor dhac ah oo Wargeyska Foore halayo ayaa tilmaamaya hanaanka loo asteeyay kuraasta golaha shacabka iyo goobaha lagu soo dooranayo.


Somaliland oo aan iyadu qayb ka ahayn nidaamka waddanka Soomaaliya oo ah qaran madax bannaan oo xornimadiisa dib dalkaasi ugala soo noqday sannadkii 1991-kii ayay haddana maamulka dalkaasi ku soo darsadeen in ay qayb ka yihiin kuraasta Golaha Shacabkooda waxaanay doorashadoodu ka dhacaysaa Muqdisho.


Beelaha Harti ee Somaliland waxa xildhibaannadoodii la raaciyay dhinaca maamulka Puntland halka Somaliland inteeda kale loo qoondeeyey 46 Xildhibaan oo ay beeluhu sidan u kala helayaan:


Isaaq: 28 Xildhibaan

Samaroon: 9 Xildhibaan

Ciise: 8 Xildhibaan

Muuse-dheriyo: 1 Xildhibaan


Dhinaca kale haddii aan sii wadno sida guud ahaan dalkaasi loogu qaybiyay Maamulka Koonfur Galbeed deegaanadeeda waxaa lagu soo dooran doonaa kuraasta ugu badan ee xildhibaanada golaha shacabka, waxaana loo asteeyay in 69-kursi lagu soo doorto, Baydhaba ayaa loo asteeyay 44-kursi, halka caasimadda rasmiga ah ee Baraawe loo asteeyay in lagu soo doorto 25-kursi.


Gobolka Banaadir waxaa loo asteeyay in lagu soo doorto 51-kursi oo kala metelaya beelaha Banaadiriga iyo beelaha gobollada Somaliland sidan aan kor ku soo sheegnayna waxa ay Somaliland yeelanaysaa 46 Xildhibaan halka shanta soo gadhay ay Banaadirigu qaadanayaan, beelaha Banaadiriga ayaa leh 5-kursi.


Dawlad Goboleedka Jubbaland ayaa lagu soo dooranayaa 43-kursi. Caasimadda Kismaayo ayaa loo asteeyay 27-kursi, halka 16-ka kalena loo asteeyay in lagu soo doorto magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.


Puntland, 39-kursi ayaa lagu soo dooranayaa, waxaana caasimadda Garowe loo asteeyey in lagu soo doorto 24-kursi oo kala ah, kuraasta gobollada Nugaal, Sool iyo Mudug. Halka 15-ka kursi ee soo hartana lagu soo dooranayo magaalada Boosaaso, kuwaas oo kala ah kuraasta gobollada Bari iyo Sanaag.


Hir-Shabelle waxaa lagu soo dooranayaa 37-kursi, caasimadda Jowhar ayaa loo asteeyay in lagu soo doorto 15-kursi. Halka magaalada Beledweyne loo asteeyay in lagu soo doorto 22-kursi.


Galmudug ayaa lagu soo dooran doonaa 36-kursi. Caasimadda Dhuusamareeb ayaa loo asteeyay in lagu soo doorto 24-kursi, halka 12-ka kursi ee soo hartana loo asteeyey magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

 

Loading...
Loading...