Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Muuse Biixi Oo Madal Loo Dhan Yahay Cafis Ku Waydiistay Reer Awdal

0
Saturday October 03, 2020 - 11:29:20 in News by
  • Visits: 2317
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Muuse Biixi Oo Madal Loo Dhan Yahay Cafis Ku Waydiistay Reer Awdal

    Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Muuse Biixi Oo Madal Loo Dhan Yahay Cafis Ku Waydiistay Reer Awdal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Muuse Biixi Oo Madal Loo Dhan Yahay Cafis Ku Waydiistay Reer Awdal


Hargeysa(HWN):-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka Cabdilaahi Abokor Cismaan ayaa reer Awdal ka raaligaliyay hadal deel qaaf ah oo ay dhibsadeen kaasi oo ku saabsanaa saami qaybsiga kuraasta Golaha Wakiiladda Somaliland oo ay saluugsanaayeen.

Wasiir Cabdilaahi Abokor Diirka Ka Qaaday Boogaha Ay Leeyihiin Xirsi iyo Ismaaciil Yare Fariina U Diray WADANI


Wasiir Cabdilaahi Abokor ayaa dalabkan raaligalinta ah ka sheegtay madal qado ah oo uu shalay Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Kulmiye ku maamuusay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil Saylici iyo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Maxamuud Xasan Sacad Saajin, kulan oo ay ku sugnaayeen Siyaasiyiin door ah iyo waxgarad kale oo kasoo jeeda Gobolkaasi Awdal.


Wasiirka ayaa sheegay in isagoo uga faa’iidaysanaya kulankaasi oo uu sheegay inay ku dhamayeen Labeentii Gobolka Awdal, inuu jeclaystay inuu cafis kaga dalbado hadal siyaasadeed uu Jul 19, 2020-kan, uu ka jeediyay Magaalada Burco kaasi oo uu kaga hadlay saluugga ay ka qabaan reer Awdal Saami-qaybsiga kuraasta Golaha Wakiiladda, waxaanu shalay kulankaasi si gaar ah uga codsaday masuuliyiintii reer Awdal ee ku sugnaa in hadalkaasi laga cafiyo islamarkaana la iska ilaawo, isagoo ka cudur daartay, kuna tilmaamay hadalkaasi mid uu ka qoomamoonayo.


Waxa uu yidhi Wasiir Cabdilaahi abokor"waxaan ka raali galinayaa reer Awdal, hadal ay dhibsadeen oo aan hore u idhi oo ku saabsanaa xagga saami qaybsiga, maadaama oo aad maanta dhan tihiin, waxaan idinka codsanayaa inaad iga cafisaan hadalkaasi” .


Siyaasi Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni oo kasoo jeeda Gobolka Awdal, islamarkaana ka mid ahaa Siyaasiyiintii madashan ku sugnaa Shalay, oo aanu arintan wax ka waydiinay ayaa noo xaqiijiyay warkan, waxaana uu noo sheegay inay ka aqbaleen oo ay soo dhaweeyeen isaga iyo siyaasiyiintii kale, iyo wax garadkii kale ee madashaasi ku sugnaa ee Gobolka Awdal kasoo jeeday, cafiska uu Wasiir Cabdilaahi Abokor waydiistayna ay aqbaleen oo ay soo dhaweeyeen.


Wasiir Cabdilaahi Abokor ayaa Jul 19, 2020-kan, ayaa waxa uu Magaalada Burco ka sheegay hadal aad uga cadhaysiiyay Reer Awdal kaasi oo uu kaga soo horjeestay Saluugga ay reer Awdal ka qabaan Kuraasta ay ku leeyihiin Golaha Wakiiladda Somaliland, waxa uu sheegay inaanay reer Awdal wax saami ahi ka maqnayn, halka uu sheegay in Gobolada Togdheer iyo Maroodi jeex ay wax ka maqan yihiin, hadalkaasi oo ah ka uu Shalay cafiska ku dalbaday, waxaana uu wakhtigaasi yidhi "Waxaan aaminsanahay in Gobolka Awdal uu sad saayid ah haysto oo aanay waxba ka maqnayn, cida ay wax ka maqan yihiin waa Gobolada Togdheer iyo Maroodi Jeex”.

Loading...
Loading...